Nin ku hubasan bastoolad ayaa ku dilay magaalada Muqdisho laba sarkaal oo ka tirsan hay`adda MSF, kuwaasoo kala ahaa Philippe Havet 53 jir u dhashay Beljam iyo Andrias Karel Keiluhu 44 jir u dhashaya Indonisa.
Cabdillaahi Xasan Bariise, oo ah afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in ninkii dilka u gaystay labadaan sarkaal ay hadda gacanta ku hayaan ayna baadhitaan ku wadaan, dhowaanna la shaacin doono sababta u geystay dilka ”ciidanka ammaanka oo goobta ka ag dhowaa markay maqleen rasaasta ayey tageen guriga falku ka dhacay, waxaana meeshii loogu tegey Philippe oo mayd ah iyo Andrias oo dhaawac halis ah qaba.” ayuu yiri afhayeenku.
Siday hay’adda MSF sheegtay Phillippe wuxuu shaqaynayey MSF laga soo bilaabo sanadkii 2000, isagoona ahaa khabiir dhinaca isku dubaridka hawlaha degdeg ah halka Andria oo aha dhakhtarna u shaqanayey hay’adda laga soo bilaabo 1998dii
Dhaqtarka ayaa dhaawicii ugu geeriyooday isbitaalka Madina habeenkii xalay, dhinaca kale guddoomiyaha degmada Wadajir Axmed Daaci ayaa isaguna sheegay inay aad ugu xun yihiin falka dhacay, wuxuuse dhan kale ka dhawaajiyey in hay`addaani aysan war buuxa ka hayn ka maamul ahaan howlahooda iyo goobtay degganaayeen toona “Hay’addaani degmada Wadajir ayey degganayd, mana jirin ayuu yiri si hufan oo ay ku degganaayeen, kumana aysan xirnayn maamulka degmada, waxaana jirey rag si gaar ah maamul diid u ah oo gaar u ilaalinayey raggaan.”
MSF ayaa ka shaqaynaysay Soomaaliya ilaa 1991dii haddana waxay ka hawl gashaa 13 xarumo caafimaad oo wadanka ku yaal, ayna ka fuliso hawlaha degdega ah ee dhnacyada xanaanada carruurta, hooyada uurka leh, talaaka, nafaqaynta iyo sidoo kale caawinta qaxootiga Soomaalida ee ku kala jira xeryaha Dhadhaab Kenya iyo Dolo Cado oo Itoobiya ah.
Shaqaalaha isugu jira Soomaalida iyo ajaanibta ayaa dhibaato ku qaba howlahooda samafal ee ay ka wadaan gudaha waddanka, dhowaan ayaa laba ruux oo u shaqaynayey hay`adda miino saarista ee laga leeyahay Denmark ee DDG laga afduubtay koonfurta magaalada Gaalkacayo welina gacanta ugu jira kooxihii afduubka u geystay, sidoo kale toddobaadkaan waxaa lagu dilay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan saddex hawl wadeen oo u shaqaynayey barnaamijka cuntada Qaramada Midoobay ee WFP. Waxaa iyana afduub loogu haystaa laba xubnood oo u shaqaynayey hay`adda SMF Spain lagana soo kaxaystey xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab Kenya oo ay ka wadeen howlo safamal.
Dhibaatooyinka loo gaysanayo dadkaan ka shaqeeya gargaarka ayaa xagal dacinaya dadaadallada la doonayo in lagu gargaaro malaayiin Soomaali ah oo dagaallada 21 sano socdaa naafeeyeen sidoo kale ay ugu darsameen abaaraha, dawlad la`aanta iyo dhamaan adeeggii bulshada oo maqan.
Yusuf/MH