Bangiyo ku yaala Maraykanka oo xiriir wada shaqayneed la lahaa xawaaladaha Soomaalida, ayaa sheegay dhowaan inay hakinayaan guud ahaan xiriirkii ay lacagaha ugu gudbin jireen, kadib shaki iyo culays ka soo food saaray dhinaca dowladda Maraykanka oo ku aadan halka ay aadaan lacagaha bangiyadaan u diraan dadka Soomaaliyeed.
Iyadoo dowladda Soomaaliyana walaac ka muujisay arrintaani, iyagoo sheegay inay saamayn ba`an ku yeelanayso dadka.
Raysal wasaare Cabdiweli Maxamed Gaas, ayaa sheegay in dhibaato dhaqaale ay soo wajahayso ummadda Soomaaliyeed haddii xawaaladihii lafdhabartooda dhaqaalaha ahayd caqabadi ku timaaddo, waayo bangiyadii maraykanka ee lacagaha dadka soomaaliyeed soo marin jireen joojiyaan “waxaan kala xiriirnay arrintaan dowladda Maraykanka, in haddii ay joojiyaan macaamiishii bangiyadu ay saamayn ba`an ku yeelanayso nolosha dadka Somaaliyeed, lacag 2 bilyan oo dollar ayaana laga soo diraa dibadda, waana wax soo saarka waddanka 3 meelood oo hal meel, qoysaska Soomaaliyeedna carqalad weyn ayaa ku imanaysa.”
Garaad Khaliif Nuur, oo madax u ah guddiga xawaaladlayda Maraykanka ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in waqti kooban la siiyey xawaaladdaha Soomaalida illaa 30-ka bishan oo ay hawshooda ku soo ururiyaan ka dibna albaabada la isugu dhufan doono, Garaadka ayaase sheegay inaysan quusan oo ay jiraan dadaallo badan oo la doonayo in arrintaan lagaga dhaadhiciyo dowladda Maraykanka si ay h0wshaan wax ka qabato.
Cismaan Xuseen oo ka mid ah odayaasha Soomaaliyeed kuna Sugan Maraykanka ehelkiisa oo ku nool Muqdishana ugu soo dira lacag ayaa isaguna yiri “Haddii ay arrintani hir gasho runtii arrin aad u xun weeye, waxay noqonaysaa inay dadkayagii bakhtiyaan annagoo og inaan dadkayaga wax tari karno.” Cismaan wuxuuna ku baaqay in arintaan dadka Soomaaliyeed is garab taagan xawaaladaha loona caddeeyo meelahay lacagahaan dirno ay aadaan.
Raysal wasaare Gaas, ayaa dhanka kale isagu sheegay inuu dadaal dheeraad ah u gelayo sidii dowladda maraykanka uu uga dhaadhicin lahaa sidii loo xallin lahaa arrintan “Ma rabno in dadka Soomaaliyeed melaha ay biilasha ka helaan la jaro oo ay sidaasna sababsato dad siyaabo kale u isticmaalayo, mana rabno in wax la dhibaateeyo, dadaalka d0wladduna waa in la badbaadiyo sidii arintaani aysan u dhaqan geli lahayn. ‘
Hooyo ku soo koobtay magaceeda Sirad, joogtana Muqdisho ayaa iyadu sheegtay in haddii tallaabadani hir gasho ay nolosha ciyaalkeedu meel xun ku dhici karto, iyadoo aysan jirin meel kale oo ay wax ka soo galaan xilli ay baqdin dagaal iyo barakac ku dhex jirto, waxayna dowladda iyo dadka Soomaaliyeedba ugu baaqday inay hagaajiyaan xiriirkooda aysan dhibaato gacantooda ugu gaysan dadkooda iyo dhaqaalahooda.
Waxana sii kordhaya dalabka dawladda Maraykanka uga imanaya Soomaalida iyo bulshada caalamka oo ku aadan inaan la hakin hawlaha xawaaladaha, hay’adda gargaarka ee OXFAM ayaa hadal qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in bil kasta Soomaalida degan Maraykanku ay dadkooda ugu soo diraan 100 milyan oo Dollar, tanoo sii laban laabantay xiligii abaaraha iyo macaluusha lagu gudda jiray waana wado muhiim u ah hababka badbaadinta nolosha dadka Soomaaliyeed ee tabaalaysan, waxayna OXFAM sheegtay in hadii aysan xawaladuhu jiri lahayn macaluusha Soomaaliya ay ka khatar badnaan lahayd sidii ay ahayd, Shannon Scribner oo u qaabilsan OXFAM hawalah bahni’aadanimo ee Maraykanka ayaana ku booriyey dawladda inay damaanad qaad cad siiso bangiyadda la shaqeeya xawaaladdaha Soomaalida si aysan u hakin hawshoda ay ugu dirayaan lacagaha dadkooda baahan (riix).
Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in xawaaladaha Soomaalida ay lacago u diraan ururro ay u arkeen inay xiriir la leeyihiin argagixisada, xeel dheerayaasha dhinaca dhaqaalaha ayaa sheegaya in hababka xawaaladaha Soomaalidu u diraan lacagaha oo aan caddayn ay keentay shakiga, balse aysan jirin dhibaato ay geysteen xawaaladuhu, waxaana jira hab ku adag maamulka iyo bangiyada Maraykanka oo ay ku ogaadaan siday u shaqeeyaan xaawaladaha Soomaalidu siduu sheegay nin dhaqaale yahan ah oo Soomaaliyeed kuna sugan wadanka Maraykanka.