Degmadda Buuhoodle oo ka tirsan gobolka Togdheer, waxay ka mid tahay magaalooyinka ku teedsan xadka Soomaaliya ay la wadaagto Itoobiya, waxayna dhacdaa goob isku xirta dhulyow door ah oo ku habboon xoolo dhaqashada, iyadoo deegaanno badani ay hoos tagaan.
Howl-wadeennada dhinaca caafimaadka ka shaqeeya ayaa haddaba sheegaya inay jiraan xanuunno door ah oo is biirsaday soona ridaynaya dadka, ayna ku yartahay deegaanka helitaanka adeegyada caafimaadka.
Cawil Cabdi Dirir, oo ka tirsan howl-wadeennada caafimaadka ee deegaanka ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inaysan badi cudurrada deegaanka ka jira aysan waxba ka qaban karin daawooyinka oo ku yar darteed “Kow, Duumada aad ayey u soo ridanaysaa waqtigaan dadka wayna u dhimanayaan, waxanan ku qiyaasi karaa maalintii illaa 2 qof ayey dishaa, cudurka qaaxada ayaa isaguna aad ugu badan deegaanka, waxaa kaloo ka jira degmadaan HIV/AIDs, Oofwareen ayaa ka jira, cudurkaan Tayfoodka iyo shuban biyoodka, runtii waxaan ka qaban karnaa cudurradaan way iska yar yihiin.”
Wuxuuna hawl wadeenkaani sheegay in MHC yari keliya u tahay xarun caafimaad deegaanka, oo ay hay`adda UNICEF iyo WHO xogaa yar oo agabka (Kit) ay keenaan lixdii biloodba mar isuguna jira tallaal iyo daawooyin aan badnayn, Wuxuuna dhakhtar Cawil sheegay in nooca kaneecada la yiraahdo (anophele) ay ku badan tahay deegaanka taasoo ah tan ugu khatarta badan kaneecada loona dhinto, wuxuuna intaas ku daray in sanadkii illaa laba xilli ay duumadu dadka soo ridato, waana labada xlili roobaad ee gu`ga iyo dayrta.
Waxaa jira siday dadka deegaanku sheegayaan, isbitaal ay qurbo joogta deegaanku dhiseen kaasoo illaa hadda aan si hagaagsan u howl gelin, mana jiraan wax hay`addo gaar isaga xilqaamay wax u qabashadda sidii cisbitaalkaani u hawl geli lahaa.
Cabdikariin Olol/MH/FM