Xaaladda caafimaad ee dadkii ku waxyeelloobay duqeyn ay diyaarado dagaal ka geysteen deegaanka Hoosingow ee galbeedka gobbolka Jubbada Hoose ayaa aad looga deyrinayaa, iyadoo gabi ahaanba adeegyada caafimaadka aysan ka jirin deegaanka Hoosingow.
Dadka xaaladdooda caafimaad laga deyrinaayo ee ay duqeyntu dhibaatada ka soo gaartay, waxay gaarayaan illaa 22-qof oo ay u badan yihiin haween iyo carruur, waxaana dhaawacyada dadkaasi ay wali yaallaan deegaanka Hoosinguw halkaasoo ay ku dhibaataysan yihiin.
Cabdullaahi Xasan Maxamed, oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee deegaanka Hoosingow isla markaana Wareysi siiyay Raadiyaha arrimha bani’aadannimada ee Ergo ayaa wuxuu sheegay in 22- qof oo uu dhaawacyadoodu ay aad u liitaan ay xilligaan ku dhibaataysan yihiin deegaankaasi, kuwaasoo aan wali helin adeegyadii caafimaad ee ay u baahnaayeen.
Marka laga soo tago dhaawacyada ay dadkaasi qabaan, waxaa uga sii daray sare u kac xooggan oo ku yimid qiimihii maciishadda taasoo sii adkeysay nolasha dadka ay dhaawacyada cul culus ay ka soo gaareen duqeyntii ay diyaarado dagaal ka geysteen galinkii dambe ee Isniintii deegaanka Hoosingow.
Dowladda dalka Kenya, ayaa sheegtay inay weerar ka fulisay Koonfuta dalka Soomaaliya ayna la beegsatay saldhigga dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ay ku leeyihiin Konfurta dalka Soomaaliya, ayna halkaasi ku dishay mas`uulyiin kooxdaas ka tirsan.
Khadar/MH/FM