Bulshada magaalada Mandheera ee gobolka Woqooyi bari Kenya, ayaa waxaa soo wajahay khatar dhanka biyaha la cabo ah, kadib markii fatahaado uu dhowaan sameeyay wabiga Daawo ay ku aasmeen in ka badan 10 ceel oo ahaa kuwii loogu isticmaalka badnaa magaaladaas, kuwaasoo ay qaarkood illaa iyo hadda dhex ceegaagaan dhiiqadii iyo biyihii guduudnaa ee uu wabigu ku soo rogay maalmo ka hor.
Ceelasha duugmay oo qaarkood hadda la qorsheynayo sidii loo hagaajin lahaa ayay maamullada ceelasha raadiyo Ergo u sheegeen iney qaadan karto muddo fog in dib loo howl geliyo markale, maxaa yeelay waxaa burburay oo isku dhex dumay aasaaskii iyo dhismihii ceelasha oo waxay noqoneysaa shaqa ka gelistoodu mid hadda iyo billow ah, taas ayaana ah mid ku sii hayn doonta dadka reer Mandheera halis dhanka biyaha ah, haddii aanu meel hadda daahsoon il uga soo burqan bulshada halkaas.
Cabdullaahi Sheekh Xasan, oo ah maamulaha mid ka mid ah ceelasha ku kharribmay fatahaadda wabiga ayaa Ergo u sheegay iney hadda degmada Mandheera haysato biyo la`aan baahsan oo laga dareemay guud ahaan magaalada, taasoo iney sii waarto ku keeni karta buu yiri bulshada halkaas dhibaato aad u daran.
“Ceelashii biyaha fiican laga dhaansanayay hal ceel ayaa hadda inoo fiican, intii kale waa duugmeen, oo afar ceel ayaa hadda sidaan ku duugan oo dhinacaan aan anigu hadda joogo ku yaallay marka fatahaaduhu meel ay reebeen malahan oo wixii ceel iyo beer ahaa ee aniga iga hooseeyay waa ka-kac, waxaana marka leysku dar-daro ceelasha baaba`day ay gaarayaan illaa iyo labo iyo toban.” ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh.
Dadka dhibaatada ugu darran kala kulma marka ay xaaladaha caynkaan oo kale ah dhacaan waa kuwa dadka guryahooda iyo goobahooda ganacsiga ugu geeya biyaha gaari-dameerrada, waxaana qaarkood oo la hadlay raadiyo Ergo ay ku cataabeen in xitaa haddii ay ku samri lahaayeen xaaladda soo wajahday ay la dhibaatoonayaan biyaha iyo dhiiqada dhex tuban waddooyinka ay mari lahaayeen, kuwaasoo ku keenta dameerrada iney jiidi waayaan kareetada.
Aadan Macallin Cabdullaahi, oo ka mid ah gaari-dameerraleyda kasoo dhaamisa biyaha ceelasha magaalada qaar si ay uga ganacsadaan, ayaa sheegay inay dhibaatadan ka kaalmo weydiisanayaan.
“Ceelasha biyo ayaa soo galay, meel la maro malahan oo waddo ma jirto, habeenkii 12-ka ayaa la soo kacayaa, illaa 12-ka maalintii ayaa la shaqeynayaa marka dameerihii waa rafaadeen oo waddo la maro majirto, marka dameerraleydu waxay u baahan yihiin in gargaar la siiyo oo waddada loo furo oo dhankaas laga taageero ayay ubaahan yihiin.” ayuu yiri Aadan.
Ceelasha ku soo haray magaalada ayaa qudhooda waxaa la soo darsay oo soo fuulay culeys ay markii hore ka hayeen ceelasha aasmay, kaasoo ay muuqaneyso inay xaddidnaan doonto xilliga ay sii xamili karaan, maxaa yeelay waxay haystaan oo ay ku shaqeeyaan min hal matoor oo kaliya, maantoo idilna ma shidnaan karaan, haddana haddii la damiyo si ay xoogaa uyara qaboobaan waxaa laga dareemayaa magaalada oo dhan oo madaxa isla galeysa biyo la`aan darteed.
Sida ay arrimaahaas u saameeyeen ayaan wiidiinnay Cabdi Cabdullaahi oo maamula mid ka mid ah ceelasha fara ku tiriska ah ee hadda ka howlgala magaaladaas, waxaana uu caddeeyay iney xaaladdu qatar tahay oo aaney sahlaneen.
“Arrintan culeys weyn ayay nagu keentay taasoo ah in matoorka xitaa uu dhib weyn kasoo gaari karo maaddaama ceelashu ay noqdeen kan mid kale, maxaa yeelay matoorku haddii 24-saac uu shaqeeyo waa uu kululaanayaa, inuu is damiyo ayaana laga yaabaa, arrintaasna khatar bey keeni kartaa.” ayuu yiri Cabdi Cabdullaahi oo ah maamulaha ceelka lagu magcaabo Ceel-Garas ee magaalada Mandheera.
Mas`uuliyiinta ceelasha guud ahaan ayaa sheegay inaysan sahashan xaaladdan oo waxay tilmaameen iney gaarsiiyeen cabashadooda guddoomiyaha degmada, halka wasaaradda biyahana ay soo indho indheysay heerka ay gaarsiisan tahay dhibaatada meesha taalla, sida uu markale sheegayo Cabdullaahi Sheekh Xassan.
“Xitaa guddoomiyaha degmada warkan waan gaarsiinnay, xafiiska taliyaha xaafadda waan gaarsiinnay, iyagana waxay inoo sheegeen inay wax ka qabanayaan, haddii aysan iyaga waxba qaban meeshaan dhibaato weyn ayaa taalla, wasaaradda biyaha arrinta waa masuuliyaddeeda, maantoo dhan ayaan wada joognay, xaaladdana khatar caafimaad ayay xitaa keeni kartaa, marka waxaa loo baahan yahay matoorro, qalab iyo in ceelashiioo la dhiso illeyn waa hadda iyo howl kow ehee.” ayuu Cabdulaahi hadalkiisii ku sii daray.
Mandheera aalaaba wey ka dhcdaa iney ceelashu ku burburaan fatahaadda uu sameeyo wabiga Daawo oo ka mara magaaladaas dhanka waqooyi, waxaana arrintaas inta badan sabab u ah ceelasha oo badi ku yaalla dhanka wabiga xiga, waliba goobo si aad ah ugu dhow halka uu maro, taasoo ay dadka magaaladaasna u arkaan inaan laga fursan karin, waxaase wax waliba uga sii daraya inaysan ceelashu lahayn difaac wanaagsan oo ka celin kara daadadka wabiga iyo roobabka intaba, taasoo haddii aan helin ay muuqaneyso iney dhibaatadani soo noqnoqon doonto.
Nuur Cali/MH/FM