Dadka ku nool degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya inay ka baqdin qabaan duqyamaha ay geysanayaan diyaaradaha dagaalka ee ay leeyihiin ciidamada Kenya, kadib markii toddobaadkii tegey laba goor ay duqeyn u geysteen.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo Raadiyo Ergo u warramaya ayaa sheegay in dadku ay muujinayaan argagax haddii ay maqlaan dhawaqa diyaaradeed “Meesha ADC ee dhinaca qorrax ka soo bax ayey diyaaraddu naga soo gashay, waxaana meeshaas ku yaal dhul ballaaran, sida airportkii iyo warta waxaana ay gantaal ku dhufatay xafiiska bisha cas, wiil yar ayaa dhaawac ka soo gaadhay, diyaaraduhu waa nooc miigga la yiraahdo, waana hal diyaarad, gantaallo ilaa 20 gaaraya ayey ridday, 5 ka mid ahi ma qarxin iyagoo sidoodii ah ayey dhex yaallaan gudaha Baardheere.” ayuu yiri qofk oo ka gaabsaday inuu magaciisa xuso sababo dhinaca ammaanka ah.
Waxay kaloo burburisay xarun lagu quudiyo carruurta, dad badan ayaa u barakacay goobo ka baxsan magaalada, dadku ma yaqaanniin goob ay u qaxaan, dadka Baardheere ayuu sheegay inaysan qiyaas ku samayn karin tiradda dadkaasi.
Dagaallada ka socda gobollada koonfureed ayaa dhibaato ku keenay nolosha dadka deggan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo xuduud la leh waddanka Kenya oo isagu ciidamadiisa soo geliyey Soomaaliya 16-kii bishii Oktoobar ee sanadkaan.
MH/FM