Roobab xooggan oo ka da`ay Deegaanka koonfurta Wajeer ee gobolka woqooyi bari iyo deegaanno kale oo ku teedsan soohdinta u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya, ayaa sababay inay kala go`aan isu socodka dadka iyo gaadiidka isticmaali jiray gobolka iyo deegaannada ku xeeran.
Roobabka ayaa waxay sababeen sicir barar xooggan oo ku yimid guud ahaan maciishadda qeybaheeda kala duwan, ka dib markii sida ay sheegeen dadka deegaanka roobabka ay go`doomiyeen tuulooyin fara badan.
Cawil Aadan Axmed, oo ah siyaasi ka soo jeeda deegaanka koonfurta Wajeer oo la hadlay idaacadda Ergo, ayaa sheegay in roobabka oo ku billowday si lama filaan ah ay xoolihii yaraa ee u haray dadka reer miyiga ah u haray ay dileen, iyadoo ay taasi keentay in boqollaal qoys ay barakacaan.
“Dadka meel walba ayay dul saar ku yihiin, in kastoo aanan tira koobin wali, laakiin sida caadiga ah waxay dul saar ku soo noqdeen ehelladooda.” ayuu yiri Cawil.
Cawil Aadan Axmed, oo dhawaan kormeer ku soo kala bixiyay degmada Wajeer iyo deegaanno kale oo ku dhow dhow, ayaa wuxuu sheegay in xaaladda dadka ku nool gobolka ay imika tahay mid aad u adag ,isla mar ahaantaana ay jiraan xanuunno ay ka mid yihiin shubanka iyo duumada.
“Dhulkaas waxaan rabaa oo kale inaan ka hadlo in goobaha caafimaad ee deegaanadaas ku yaalla, aysan ka jirin wax daawo ah oo ay daawadu tahay gabaabsi.”
Ugu dambeyntii Cawil, ayaa sheegay in deegaanka koonfurta Wajeer aanay ka hawl galin wax hay`ad sama fal ah, marka laga reebo hay`adda Save the children oo uu sheegay inay ka shaqayso dhanka caafimaadka.
“Kuma filna hay`addaas keliya inay daboosho baahida deegaannadaas ka taagan, waxaan u baahannahay oo aan ka codsanaynaa in dadkaasi la caawiyo.” ayuu yiri Cawil.
Cabdisamad Cabdulqaadir/MG/FM