Duruufo la xiriira nolosha ayaa soo wajahay qaarkamid ah qoysas dhibaateysan oo ku jira kaamam ku yaala magaalada Baydhabo, kuwaasi oo cabasho ka muujiyay saameynta ay ku yeeshaan roobab mahiigaan ah oo maalmihii ugu dambeeyay ka da’ ayey deegano ka tirsan gobollada Bay iyo Bakool.
Qoysas barakacayaal ah oo ay ku jiraan kuwo aan dib ugu laaban degaanadooda markii ay curteen roobabka ayaa kamid ah dadka haatan walaaca ka muujinaya duruufaha ka jira guryaha ka samaysan buushashka ay ku noolyihiin.
Inkabadan 150 qoys oo ku jira kaamka Imaamu Shaafici ee duleedka magaalada Baydhabo ayaa sheeganaya inay qabaan cunno la’aan, hoyla’aan iyo baahi ay u qabaan in ay helaan gargaar bini aadannimo oo dabooli kara dhibaatooyinka ay dareemayaan.
Dadka ku nool gudaha kaamka ma haystaan bacaha roobka laga dugsado, kuwaasi oo ugu yaraan ka difaacaya dhibcaha roobabka iyo dhaxanta habeenkii, waxaana ay ku warameen in kaamka uu ku faafayo cudurka jadeecada.
Qaar ka mid ah dadka ku jira xeradaas oo ka gaabsaday inay magacooda xusaan ayaa Idaacada Ergo u sheegay “Sedex carruur ah oo kunool kaamka ayaa haatan la xanuunsanaya cudurka jadeecada mana jiraan adeegyo caafimaad iyo ka hortag ay sameynayaan xubnaha kashaqeeya caafimaadka”.
Sida ay sheegeen qaarkamid ah barakacayaasha majiraan adeegyo caafimaad iyo gargaar ay heleen tan iyo markii ay la soo gudboonaadeen dhibaatooyinka nolosha la xiriira.
Barakacayaasha ayaa ku baaqey in gar gaar bin aadanimo lala soo gaaro iyadoo ay gaabis yihiin hawlaha gar gaar ee kasoconaya gobolka islamarkaasina uu jiro go’aan dhowaan Xarakada al-shabab ay ku mamnuucday hawlaha hay’ado iyo ururo ka shaqeynayey taakuleynta dadka abaaruhu ay asiibeen.
Sikastaba marka laga soo tago cabashada ka soo yeeraysa barakacayaasha kunool qaar kamid ah kaamamka magaalada waxaa jira isbedelo dhinaca nolosha ah oo laga dareemayo qoysaskii dib loogu celiyay deegaanadooda kuwaasi oo haatan kuhawlan tacbashada beerahooda. Iyadoona dhinaca kale gebi ahaanba hawlihii hay’addaha gargaarka ee qaybaha ay maamulaan ururka Alshabaab ay ka eryeen goboladay ka shaqaynayeen.
Cabdicasiis Koranto/MH