Muuqaalka 2-daan ruux aad buu kuu murugo gelinyaa, maxaa yeelay waxaa doorsoomay wajiyadooda iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee xubnaha madaxyadooda oo meelaha qaar waxaa ka maqan hilbo ka go’ay, sida dibnaha, haraga ku dahaaran dhaayaha, timaha iyo qeybo kale.
Dhibbanayaashaas waa wiil iyo gabar walaalo ah oo gu` qura kala weyn, kuna nool magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, hal sano ka dib dhalashadoodii ayuuna xanuunka haya ku billowday, hadda oo uu wiilku yahay 17-sano-jir, gabadhuna 16-sano jir waxay xaaladoodu mareysaa meel halis ah oo sida ay iisheegeen waalidiintoodii ay dhaqaatiirtii aragtay cadeeyeen inaan dalka gudihiisa waxba looga qaban karin.
Cudurka haya 2-daasi ruux ee walaalaha ah oo marba marka kadambeeya ka sii daraya waxa uu ka dhigay dhibbanayaasha qaar naafo ah, oo waayay xubno qaali ah, gaar ahaan wiilka oo indho beelay, gacmaha, lugaha iyo dhabarkana ka jiisoobay oo waa uu kala qalloocday, intaas waxaa dheer hadda waxaa beddelmay codkiisii oo haddii uu kuu dhawaaqayo ma garaneysid waxa uu ku oranayo, waxa uuna qatar ugu jiraaa inuuba waayo codkiisa oo idil.
Aabbaha dhalay 2-daasi bukaan ayaan kala sheekeystay xaaladda ilmihiisa, waxaanu ii sheegay in gabadha oo hadda ka yara roon wiilka ay ku sii socoto xaaladdeeda, halka uu wiilku marayo, waxaase waalidiinta ilmahaasi xanuunsan waxaasoo idil uga sii daray, markii ay isla cudurkani u geeriyootay gabar ka mid ahayd ilmahooda oo 19-sano oo ay la nooleed xanuunka, kadib u geeriyootay ugu dambeyntii.
Axmed Cabdulle Carab, waa aab baha ilmahaas waxaanu sharraxayaa sida uu ku soo billowday xanuunka carruurtiisa iyo sida uu yahay muuqaalkooda hadda.
“Ilmahayga dhibaatada haysata waa xanuun indhaha kaga dhacay iyo madaxa iyo maskaxda, muddo badanna ay qabeen. Ilmihii koowaad 19-sano ayuu cudarkaas qabay uu udhintay, cudurkaas si is daba joog ah ayuu u hayay carruurta, cid innaga gar-gaartayna ma jirin, innaguna waxaynu nahay wax maheysato nolushu ku adag tahay” ayuu yiri aabbaha walaalaha xanuunku hayo oo intaas sii raaciyay”Indhaha ayaa laga qabanayaa ilmaha, madaxa ayaa lagu dhufanayaa, indhahaa dhiig soo galayaa, daamankaa dhiig soo galayaa, wey dillaacayaan markaas, bes, sidaas iyadaa ayuun beey ku jirayaan, dheecaan uun baa shubmaya”.
Sidoo kale waxaa aad u adag nolosha qoyska ay u joogaan ilmahaasi xanuunsan oo sida ay Ii sheegeen quuta maalintii hal jeer waxaan ka badneyn, waxaana ay codsanayaan in looga soo gurmado cudurka ku dhacay carruurtooda, inta aanay u naf waayin ama aanay u dhiman si silac ah sida uu markale ku cataabayo aabbaha dhalay dhibbanayaasha oo goconaya geerida inantiisii hore.
“Muslimkaa qaraabo inoo ah, Islaamkaa qaraabo inoo ah, wax qaraaba ah oo goonni ah oo aan leennahay majirto, marka adduunka jaaliyadaha Soomaalida iyo hay’adaha caalamka waxaan ka dooneynaa in ay iga kaalmeeyaan arrintan. Waxaan wax weydiisaneynaa kuwa naxariista badan ee u gar gaara dadka tabaaleysan”
Magaalooyin badan oo Soomaaliya ka tirsan ayaa had iyo goor lagu arkaa cudurro mucjiso ah oo ay dadku ka argagaxaan, kuwaasoo ay dhaqaatiirtu sheegaan in aan gudaha wax looga qaban karin, waxayna bukaannada dhibaatadaas caafimaad darro ay la soo deristo ugu dambeyntii ku soo idlaataa noloshooda in gurmad ay usameeyaan samafalayaal loogu qaado bannaanka oo lagu soo dabiibo ama ay si silac ah ay ugu dhintaan meelaha ay ku xanuunsanayaan.
Nuur Cali Faarax/MG/FM