Ku dhowaad 10-carruur ah oo la xanuunsanaya cudurka jadeecada islamarkaasina ay ka muuqato nafaqo darro, ayaa 48-kii saac ee la soo dhaafay la jiifiyay xarun caafimaad oo ku taalla degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay.
Shaqaale caafimaad oo ku sugan degmada, ayaa idaacadda Ergo u sheegay in ay aad u liidato xaaladda carruurta xanuunsan kuwaasi oo aan heysan daryeel caafimaad.
Iyadoo ay jiraan carruur la dhibaateysan qaar kamid ah cudurrada faafa ayaa haddana maamulka degmada Qansaxdheere, wuxuu sheegay in uu jiro hoos udhac ku yimid tirada carruurta xanuunsan iyo saameynta cudurrada Shubanka uu ka mid yahay ay ku yeesheen degmada iyo deegaannada ku xeeran.
Guddoomiyaha maamulka Al-shabaab ee degmada Qansaxdhere, Sheikh Axmed Cabdi ayaa sheegay in uu jiro hoos u dhac ku yimid faafidda cudurro saameeyay caruurta iyo waayeelka oo horey ay u saameeyeen abaaro galaafatay nolosha dad iyo xoolo fara badan.
Dhinaca kale wuxuu sheegay inay abaabuleen dadaallo lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka deegaanka, taasina ay keentay in ay yaraadaan tirada carruurta ay soo ridanayaan cudurrada duumada ay ka mid tahay.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay jirto dawo la’aan iyo xarumo caafimaad ,oo si qarash la’aan ah loogu daweeyo dadka taagtadaran oo badankood xoolihii ay kaga dhammaadeen abaaraha ku dhuftay Soomaaliya.
Degmada Qansaxdheere malahan xarumo caafimaad ,oo caawiya dadka dhibaataysan marka laga soo tago goobo si gaar ah loo leeyahay, taasi waxay keenaysaa kororka carruurta u dhimanaysa cudurrada.
Cabdicasiis Koronto/MG/FM