Xeradan qaxootiga ah oo ku taala bariga dalka Suudaan oo lana yiraahdo Shagaraab ayaa waxay Soomaalida ku jirtaa ka cabanayaan nolol xumo aad u ba’an oo isgu jirta hoy la’aan, biyo la’aan iyo cunto la’aan.
Qaar ka mid ah haweenka ku jira xeradaas oo lasoo xariiray raadiha Ergo ee Khartuum waxay u sheegeen in xeradaas qaxootiga Shagaraab ay ku dhibataysan yihiin qaxooti Soomaali u badan oo intooda badan markoodii hore aha dad tahriibayaal ah oo u socday dalkaasi liibaya oo lacagtii ay wateen halkaasi kaga go’day.
Faadumo Maxamuud Nuur oo haysata 3 carruur ah midna uu kaga soo geeriyooday xuduuda saxaraha ah ee u dhaxaysa Eretariya iyo Suudaan, carruurta aabahoodna uu ku geeriyooday xerada qaxootiga Shagaraab ayaa waxa ay Radiyo Ergo u sheegtay in aysan haysan wax ay carruurta ku biisho oo aan ahayn in ay dhar usoo meydhto reeraha Suudanta ah ee dagan goobtay ku taal xeradaas.
Faadumo ayaa waxay hoosta ka xariiqday in dhibatadan ay haysato dhamaan dadka Soomalida ah ee ku jira xeradaas, iyadoo intaas ku dartay meesha ay xerada ku taal oo ah meel aad u kulul oo mararka qaar uu heer kulku gaadho 50 digree (cabirka heer kulka lagu cabiro).
Faadumo oo ka warbixisay sida ay tahay xaaladeeda iminka hadaladeedana waxaa ka mid ahaa.
“Meesha meel lagu noolaan karo maaha hadana meesha ay ku dhigto daruufta waad iska fadhinaysaa, waxaan nolol maal meedka kasoo eryaa oo ilmaha ku maareeyaa kolba xaafadaha oo marba tii u baahan aan u tago oo dhar usoo maydho, waxaasna ma ahan wax dabooli kara baahidayda iyo tan carruurta”.
Ilmahayga kan ugu yar waa bil jir hadda, kan ka wayna waxa uu jiraa 6 sano gabdha ka roona waxay jirtaa 9 sano, carruurtii waa wax saas ah, iyaga laftirkoodii waxay kaa rabaan arad tirkoodii, kabahoodii, cuntadoodii ma wada heli kartid hadana waxaan ka soo helay dharkaan soo maydhay ayaan xaga daruuriga ku beegtaa, dugsi iyo wax barasho toona ma haystaan maxaan ku iraahdaaye Khalwo (dugsi qur’aan) iyo ma dhigtaan”
Xeradda Shagaraab waxay ku taalaa barta xuduudka saddex geesoodka u dhexeeya Suudaan, Ereteriya iyo Itoobiya, waxaa ku jira 60 meeyo qoys oo u badan haween iyo carruur Soomaaliya, waxaase jira tiro aan la cadayn karin oo maalin kasta soo gasha kana sii gudubta iyagoo ku sii jeeda safarka tahriibka ah ee ay ku beegsanayaan Liibiya siduu Ergo u sheegay mid ka mid ah hawl wadeenada UNHCR ee xeradaas magaciisana ku soo koobay Mumin, waxaa kaloo xeradda ku jira qaxooti u dhashay wadamadda Ereteriya iyo Itoobiya.
Dhibaatadan haysata dadkas qaxootiga ah ee ku jira xeradas Shagaraab ayaa waxa sii cuslaynaya qul qulka dadka tahriib doonka oo maalmahan dambe ay Suudaan kusoo qul qulayeen tahriibayaal Soomaali ah.
Fiidow Maxamuud/MH