Odayasha dhaqanka ee goboladda dhexe ee Soomaaliya ayaa ku baqay in lasii daayo shaqalaha hay’adda DDG oo dhawaan laga afduubtay gudaha magalada Galkacyo ee xarunta gobolka mudug. Waxaana ay sheegeen in aan loo bahneyn in lasii hayo madaama ay ahayeen dad gacan siinayay bulshada Soomaaliyeed.
Odayashaan waxay sheegeen in dhalinyarada Soomaaliya looga bahan yahay in ay ka joogsadaan howlahaan guracan ay sheegeen in ay tahay mid dhibaatada ugu badan ay kasoo gaareyso dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan, waxaana ay ugu baqeen in dhalinyradu sameystaan xirfado kale ayna ka istagaan in lacago ku raadsadaan afduubka dadka bani’aadamka ah ee dadkooda caawinaya.
Waxaan arintaas Radio Ergo uga waramay gudoomiyaha gollaha nabadoonadda ee goboladda Dhexe Maxamed Xasan Xaad waxaana uu yiri:
“Waanu ka xunahay in ay sidaasi wax u dhacaan, waxaanu leenahay dadkaasi xoriyadooda lasoo celiyo cida haystana Illaahey ka baqaan, sumcad xumida ay dadkooda iyo dalkooda u keeneen, ka fakereen masiirka umadaan yaan mugdi lagelin in dadkaasi samafal u yimidna lagu sameeyo dhibaato intaas le’eg, sina kuma fiicna goboladana waxay u tahay tariikh xumo, waxaa laga yabaa in jiritaankooda mugdi geliso marka ayagana waxaan leenahay waa in ay xorimadooda helaan”.
Odayaashan dhaqanka ayaa dadka haysta ugu baaqay in si dhaqsi badan dib ugu soo celiyaan xornimadooda ayaga laftigooduna ka fekaar, waayo waxa u wanaagsan bulshada ayaa ayagana u wanaagsan. Odayaasha ayaa sheegay inay socdaan shirar badan oo dadka ay ku donayaan in arintaas wax uga qabtaan, laguna dadaalayo sidii loo sii deyn lahaa, dad badan ayaa ku howlan anaga dadka ku howlan anaguna waxaan kamid nahay dadka ku howlan qof walba oo wax garad ahana waxaan uqu baqeynaa in uu kaqayb qaato ayuu hadalkiisii ku sii daray Maxamed Xasan Xaad.
Nabadoonku sidoo kale waxaa uu soo dhaweeyay sidaynta dadka bakistaanka ee lagu hayo magaalada cadado ee gobolka galgaduud waxaana uu sidoo kale uu tilmaamay in tani qayb tahay bada badaa dadka Somalia waxaana uu intaas ku daray baaq uu jeediyay dhalinyarada.
‘Waxaan ugu baqeyna ain ay katanaa sulaan shaqdaas bini aadamnu ilaahey ayaa fadhilaya marka in laga ganacsado oo iyaga lagataa waa arin aad u fool xun weeye sameyn xun ayaa uu ku yelan doona dadka arintaan ku guda jira waxaan ignahay in dadka rintaan ku howlan ay yihiin dhalinyaro marka waxaan dhalinyartaa aan ug baqeynaa in mustaqbale ay dhistaan waxaa rin guud ahaan kasoo horjeeda sharciga islaamka ka odayaan ahaan waxaan kasoo horjeedna arintaas,
Madaxweynaha maamulka galmudug Maxamed Axmed Caalin. oo arintaan ka hadlayna afduubkaan wuxuu balanqaaday isaguna inay wixii awoodooda ah geysanayaan sii deynta dadkaan. Waxaase wax laga xumaad noqday anaga aan kasexan waynay dadkii noogu yimid in ay nagar garaan tariikhda ma,aheyn mid horay nosoo martay waxaan balan qadeynaa in anan kahari doonin dadkii kadanbeeyay iyo kuwii gacan kusiiyay. Ayuu hadalkiisii sii raaciyey hogaamiyaha maamul goboleedka Galmudug.
Afduubka loo geystey shaqaalihii DDG ayaa keenay walaaca haya’ddaha gargaarku ku doonayaan inay ku caawiyaan malaayin qof oo ay haysato dhibaato bani’aadanimo kuna sugan bartamaha Soomaaliya, waaxda ka sii digista macaluusha iyo nafaqadda ee FSNAU ayaa sheegtay in 4 milyan oo Soomaali ah u bahan yihiin in laga gargaro dhinaca nolosha kuwaasoo ku nool bartamaha iyo koonfurta wadanka.
Cabdijamaal/MH