BAY:- Dad fara badan oo ay ka mid yihiin carruur, haween iyo dad da’ ah ayaa waxay ku go’doonsan yihiin inta u dhaxeysa magaalooyinka Waajid iyo Baydhabo, ka dib markii dadkaasi oo ah musaafiriin gaawiridii ay las ocdeen ay ka gudbi waayeen togag waaweyn oo roobab lixaad leh oo halkaasi ka da’ayay muddooyinkanba ay ka qodeen waddadii la mari lahaa.
Dadkaasi waxaa sida ay sheegeen ay ku sugan yihiin goobo baadiya ah oo aaney magaalooyin iyo tuulaba ka agdhoweyn, waxaana ay taasi ku keentay inay magan u noqdaan cidlo uu roobku ku da’ayo, qabowga iyo dhaxanta habeenkii xaaladdaasna waxaa qatar ugu jira carruurta, haweenka iyo kuwa waayeellada ah ee halkaasi ku sugan.
Dadkaasi go’doonsan oo ay qaarkood ka idlaatay sahaydii ay wateen, kuwa kalena ay hadda ka sii dhammaaneyso waxay gaarayaan in ku dhow 200 oo qof, gawaarida ay wataanna waa illaa iyo 300 oo u badan kuwa xamuulka qaada, waxaana lagu soo warramayaa in baabuurta qaar ay iyagoo gaddoomay halkaasi yaallaan.
Dhibaaatadaasi waxay xitaa saameysay dadka ku nool meelaha ay gawaarida xayiran badeecooyinka u wadeen.
Maxamuud Cabdi oo ah, darawal ku xayiran deegaanka Goofgaduud ee gobolka Bay ayaa yiri “ dhibaato adag ayaa halkaan ka jirta, wax gurmad ah malahan, illaa 15 baabuur ayaa gaddoomay laakiin ma jiraan cid waxyeello ay ka soo gaartay.”
Maxamuud oo sii hadlaya ayaa tilmaamay “ baabuur aan ka yarayn illaa 300 ayaa goobtaan ku xayiran, dadka waxaa ku jira carruur yar yar oo la soo qaxay qoysaskooda, dhibka ma yara kaneecada iyo duruufaha kalena way u sii dheeryihiin.”
Sida aad u dhagaysatid warbixin buuxda oo magaalada Baledxaawo uu inooga soo diray weriyeheenna Nuur Cali Faarax ka dhageyso barnaamijkeenna maanta.
Nuur Cali/ MG/FM