CUDURKA DAACUUNKA OO KA DILLAACAY DEGMADA DHOOBLEY

0
131

Iyadoo dhibaatooyin dhanka caafimaadka ah, ay muddooynkii ugu dambeeyay ka tagnaayeen  degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose iyo deegaanno hoos yimaada ayaa haddana waxaa  lagu soo warramayaa in cudurka daacuunka lagu arkay tiro dad ah oo u badan Haween,Carruur iyo dad da’ ah kuwaasoo hataan lagula tacaalayo cisbitaalka Dhoobley iyo xarumo gaar ah oo loogu talagay in dadkaasi lagu cawiyo.

Saraakiisha Caafimaadka ee degmadaasi, ayaa Raadiyaha ERGO u xaqiijiyay in kiisas la xariira cudurka daacuunka ay ku arkeen illaa 30 qof oo markii hore loo malenayay inuu hayo cudurka shuban biyoodka.

Dr. Cabdi Ceydiid, oo ah guddoomiyaha cisbitaalka degmada Dhoobley oo wareysi gaar ah siinayay Raadiyaha ERGO ayaa sheegay, in cudurka Daacuunka ee Dhoobley ka dilaacay ay sabab u tahay dhibaatooyin badan oo isbiirsaday kuwaasoo ay ka mid yihiin bakhtiga xoolihii ay abaarta laysay oo dhoobley iyo hareeraheeda daadsan iyo biyo aan nadiif ahayn oo ay dadka deegaanku isticmaalaan.

“ka dib markii abaarihii laga soo gudbay roobna uu da’ay, waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay ka taagnaa degmada Dhoobley iyo deegaannada hoos taga cudurrada faafa ee ka dhashay biyaha, waxaana sababay nadaafad darro jirta”. Ayuu yiri Dr. Cabdi.

Agaasimaha ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay, in iyagoo kaashanaya ganacsatada deegaanka ay Xarun gaar ah u sameeyeen dadka uu soo ritay cudurka daacuunka halkaasoo ay ugu sameeyaan adeegyada caafimaadka iyo fuuq celinta ay dadkaasi u baahan yihiin.

Ugu dambeyntii waxaa uu  hay’adaha Samafalka ugu baaqay in gacan banii’aadannimo loo fidiyo boqollaal qoys oo aad u tabaaleysan kuwaasoo u bdan dad sabool ah.

Khadar/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here