Dadka ku nool xeryaha qaxootiga Dhadhaab Kenya, ayaa dibad baxyo waaweyn oo ay uga soo horjeedaan amni darrada iyo afduubka loo geysanayo shaqaalaha samafalka ka dhigay waddooyinka xeryahaasi.
Saddexda xero ee Ifo, Xagardheer iyo Dhagaxley oo bannaanbaxu uu ka dhacay, ayay dibad baxayaashu ku dhawaaqayeen isla markaana ay siteen boorar ay ku qoran yihiin halkudhigyo ka dhan ah kooxaha afduubtay shaqaalihii u shaqeynayay hay’adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF oo laga afduubtay xerada Ifo bishii la soo dhaafay.
Afduubka shaqaalahaasi ayaa horseeday in hay’adaha gargaarka ee xeryahaasi ka howlgali jiray ay joojiyeen adeegyadii ay u hayeen dadka qaxootiga ah, taasoo saameyn ballaaran ku yeelatay dadka ku nool xerayhaasi oo ku tiirsanaa caawinaadda hay’adaha gargaarka.
Dibadbaxayaashan ayaa ka codsaday dowladda Kenya inay sugto ammaanka dadka qaxootiga ah, si aysan u dhicin in saameynta nabadgalyo darrada ay ku soo laabato iyaga. Waxay sidoo kale ka codsadeen hay’adaha gargaarka inay howlahoodii soo celiyaan.
ugu dambeyn waxay ka codsadeen kooxaha afduubtay shaqaalahaasi, inay sii daayaan si adeegyadii ay uga hayeen xeryaha ay u soo laabato.
Waxaa muddooyinkii ugu dambeysay ku soo badanayay gudaha xeryaha qaxootiga Dhadhaab amni darro uu afduubka ka mid yahay.
Faxaan Lafoole/FM