Ku dhowaad 80 qoys oo ka tirsan barakacayaasha Garowe ayaa ka faa’iidaystay aqoon-iswaydaarsi ku saabsanaa habka ganacsiga loo abuuro, kaasi oo looga dan lahaa sidii ay dadka soo barakacay isku filnaansho u gaari lahaayeen.
Barnaamijkaan oo ay maal galisay hay’adda QM u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR, ayaa waxaa fulinaysay hay’adda samafalka DRC, waxaana ujeedadu ahayd in qoysaska barakacayaasha la siiyo fursado ay bulshada kula ganacsadaan.
Tababarkaan xirfadeed, ayaa waxaa barbar socday deeq isugu jirta raashin iyo bagaash oo sidoo kale hay’adda DRC ay guddoonsiisay qoysaskaasi barakacayasha ah.
Ku xiggeenka duqa degmada Garowe, mudane Maxamed Cali Xamari oo ka hadlayay munaasaddii xiritaanka aqoon-iswaydaarsiga ayaa sheegay in loo baahanyahay barakacayaashu inay ka faa’iidaystaan fursaddaan ay heleen, waxaana sidoo kale uu tilmaamay mudane Xamari in looga fadhiyo in barnaamijkaan fursadda ah ay uga faa’iideeyaan dadkooda iyo dalkooda. waxaa uu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiye ku xigeenka degmada Garowe mudane Xamari in looga baahan-yahay ganacsatada yar yar ee barnaamijkaan ka faa’iidaysatay inay canshuurta dalka si hufan u bixiyaan.
“tababarkaan waxaa loo baahanyahay in dadka nasiibka u yeeshay ay ka faa’iideystaan ganacsiga, oo ay dadkooda iyo carruurtooda uga faa’iideeyaan si ay nolol maalmeedkooda u soo saartaan”. Ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.
Isaaq Macallin Xassan, guddoomiyaha qoysaska barakacayaasha Garowe oo ka hadlay munaasabadda deeqda lagu guddoonsiinayay qoysaska barakacayaasha ah ayaa si weyn hay’adda DRC ku ammaanay dadaalka xooggan ay u galeen sidii ay u caawin lahaayeen dadka ka soo hayaamay colaadda iyo macaluusha ka jirta koofurta Soomaaliya.
Waa Markii ugu horreysay oo tababar ku saabsan hab ganacsiga loo qabto dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan Garowe, balse waxaa la xusi karaa dadkaan inay horay u soo gaari jireen deeqo isugu jira bagaash iyo raashiin
Maxamed Cabdullaahi Kooshin/FM