Xilli magaalada Muqdisho ay ku noolyihiin dadkii ka soo barakacay abaaraha baahsan ee ku dhiftay gobolada koonfurta soomaaliya ayaa waxaa markii ugu horeesay waxaa dib loo celiyay qaar kamida qoysaska barakacayaasha oo kaasi oo dib loogu deegaameenayo goboladii ay ka soo barakaceen
Hay,adda Bisha cas ee Imaaraatka ayaa maanta shaacisay in ay dib u celinayso barakacayaasha ku jira kaamam ku yaala gudaha gobolka Banaadir iyadoo ay kaasaacidayaan sahayda iyo iyo waliba agabka kale ee laxriira dib u soo celinta xirfadii ay lahaayeen.
Gudoomiyaha uruka bisha cas ee Imaaraatka Shariif Cabdalla ayaa sheegay in arinkaasi ay kaga goleeyihiin in dadku ay ka faa iidaystaan xilli roobaadka dayrta oo haatan laguda galay si ay u beertaan dalagyada beeraha iyo in ay markale ay wax u soo saartaan.
“Waxaan ka saacidaynaa sahyada ay ku noolaan lahaayeen muddo 3 billod waxaan kale oo aan kasaacidi doonaa qalabka ay beeraha kufalanlahaayeen iyo waxyaabaha ay u baahanyihiin “sidaas waxa yiri Shariif Cabdalla.
Waa markii ugu horaysay oo qoysas barakacayaal ah oo kusugan magaalada Muqdisho dib loogu celiyo deegaanadii ay ka soo barakaceen.
Abdulkadir Mohamed Abdulle/MG