Muqdisho:- Guurka xilligga hore ah ee gabadha yar iyadoo aan u bislaanin la guursado, ayaa waxay ku keentaa gabdhaha yar yar dhibaatooyin dhanka caafimaadka iyo mid dhaqanba.
Waxaa jira haween badan oo Soomali ah kuwaasoo noloshooda ay saamayn ku yeelatay guurka xilliga hore ah, oo gabadha iyadoo jir ahaan iyo maskax ahaanba aanay ugu dulqaadan karin ay noqoto haweenay reer leh islamarkaana ay adagtahay in isfaham buuxa uu ka dhasho qoyskaasi la yagleelay.
Farxiyo Aaden, waxay ka mid tahay haweenka ku guursaday da’da ka yar 15-ka sano, iyadoo Ka warrameysa sababta iyadoo yar ay u guursatay iyo dhibaatooyinka ay la kulantay ayaa waxay tiri “ waxaa igu kalliftay inaan anigoo yar guursado daruuf ka timid dhanka Qoyskeyga, waxaana xilligaasi ii bilaabnaysay da’da 14ka sano, dhibaatooyinka aan la kulmay waxaa ka mid ahaa uurka markaan yeeshay rafaad badan ayaan ka maray, waayo aad baan u yaraa aniga waxaan ahaa qof aad u yar jir ahaan, waxaa igu adkaatay inaan u dulqaato xanuunka xilliga uurka ”.
Farxiyo oo guurka xilliga hore ah kala kulantay dhibaatooyinka ay soo sheegtay ayaa dhinaca kale waxa ay sheegtay in xilligaasi aysan ogeyn in wax xil ah uu ka saarnaa dhaqanka gurigeeda, waxeyna sheegtay in ay ku adkeyd in ay guriga maamusho iyadoo xustay in xilligaasi ay isku arkaysay sidii iney ahayd ardayad dugsileey ah oo reerkii waalidkeed joogta.
Sidaasi si la mid ah, haweenka ay saamaynta ku yeelatay noloshooda guurka Xilliga hore ah ayaa waxaa ka mid ah Raxmo Ahmed oo xlligan ah hooyo haysata Afar carruur ah, iyadoo inooga warrantay dhibaatooyinka ay kala kulantay guurka xilliga hore ayaa waxa ay sheegtay in la guursaday iyadoo da’da 14 sano jirka ah islamarkaana aanay kala garanaynin in uu xil saaranyahay iyo in kale, waxeyna sheegtay in ay la kulantay dhibaatooyin dhinaca caafimaadka oo ay ka mid yihiin sida ay sheegtay Dhabar xanuun iyo Mindhicir xanuun, waxeyna intaa ku dartay in uu farqi weeyn u dhaxeeyo dhaqanka xilligaan iyo xilligii hore oo ay ahayd Carruur.
Dr Xaliimo Mohamed waxey ku soo taqasustay cudurrada haweenka iyadoo sharraxaad ka bixinaysa dhibaatooyinka caafimaad ee ku dhaca haweenka lagu guursado da’da yar ayaa waxa ay tiri “ Markey Gabadhu guursato iyadoo yar dhibaatooyin badan oo xagga caafimaadka ayaa u yimaado, cudurro wey ku dhacaan, oo matalan ay ka mid tahay cudurka dhiig karka, wey kaga badan tahay gabadha dhashoyda ah ee da’deedu fiican tahay, cudurkaa waxaa la dhahaa (Eklamshiya) waxeyna ku badantahay gabdhaha yar yar ee uurka yeesha, waxaa kaloo ku dhici karo cudurradda dhalmadda ee keena xubnaheeda oo aan u diyaar garoobin in ay uur yeelato dabadeedna ay foosha ku dhibtooto, waxaa kaloo ku dhici kara haddii ay uur yeelato gabadha yaraanta lagu guursado, in ay si deg deg ah oo lama filaan ah u dhasho oo ay ka fool dhawdahay naagta dhashoyda ah, si deg deg ah marka ay u dhashana wax yaabo badan ayaa imaan karo sida in canuggu uu dhibtoodo ibadana ay ku go’do”.
Dhanka kale Drs Xaliimo Mohamed, waxey kula talisay Hablaha lagu guurado da’da yar ee dhibaatooyinka caafimaad Qatarta ugu jira in ay habboontahay in gabadha lagu guursado da’da ka weyn 16-ka sano, iyadoo sidoo kale sheegtay in gabadha lagu guursado da’da ka weyn 30 ka sano in iyaguna ay dhibaatooyinkan oo kale la kulmi karaan, waxey sidoo kale gabdhaha yaraanta lagu guursado ee uurka leh kula talisay in ay si joogta ah ay u tagaan goobaha caafimaadka si loola socdo xaaladdooda caafimaad.
Maadaama hablaha yaraanta lagu guursado ay la kulmaan dhibaatooyinka aan ka soo hadalnay, ayaa dhinaca kale waxa uu sharciga caalamiga ah arintaani ka qabo waxaa inoo sharxaya Cismaan Aweys oo ka mid ah dadka u ololeeya xuquuqul aadanaha ee ku sugan Magaalada Muqdisho wuxuuna yiri “Guurka haweenka yar yar loo dadajiyo waa xaaraan, marka laga eego sharciga Madaniga ah ee Xuquuqul insaanka, wuxuu leeyahay, waa mamnuuc waana xadgudub ka dhan ah xuquuqul insaanka”.
Sadia Mohamed Nur/FM