Carruurtan ayaa waxay ka soo jeedaan qoysas danyar ah oo noloshoodu ay ku tiirsanayd qodashada beeraha, waxaana inta aysan dhiman ka hor la dhigay Cisbitaalka degmada Baardheere oo xarun quudin iyo caafimaad ay ku leedahay hay’adda bisha cas ee Soomaaliya.
Ibraahim Isaaq Gaaseey, oo ah madaxa qeybta caafimaadka hay’adda bisha cas ee gobolka Gedo ayaa u xaqiijiyay raadiyaha ERGO in carruurtaasi ay ku geeriyoodeen gudaha xarun caafimaad oo ay ku leeyihiin gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo.
Ibraahim ayaa sheegay in dadka la soo xiriiraya Cisbitaalka oo imanaya ay yihiin dad ay haystaan dhibaatooyin dhinaca nolosha ah, wuxuuna sheegay in dadkaasi ay yihiin dadkii ay sida weyn u saameeyeen abaaraha isla markaana ay xoolahoodii ku waayeen “maalin waliba waxaa soo gaara xarumaheenna boqollaala carruur ah kuwaasoo ay ka muuqato ama laga dareemayo nafaqo darro aad u xooggan, waxaan siinnaa buskudka lagu nafaqeeyo carruurta, waxaan u karinnaa boorash carruurta iyo hooyooyinka nafaqadoodu liidato, waxaan leennahay illaa 2 kooxood oo wareega tuulooyinka waxaan sidoo kale leennahay laba xarumood oo ay yimaadaan dadka nafaqo darrada ay heyso,” ayuu yiri Ibraahim.
Ibraahim ayaa sidoo kale sheegay, in dadka xarumahaasi ka diiwaan gashan ay gaarayaan illaa 4500 kuwaasoo adeegyo caafimaad loo fidiyo. Si kastaba ha ahaatee xaaldaha nololeed ee dadka ay saameeyeen abaaraha ayaa ah mid aad u liidata.
Axmed Cumar Saalixi/CC/FM