Haweeney ka mid ah dadka barakacayaasha ah ayaa geeriyootay labo kale oo iyana haween ahaana wey dhaawacmeen, kadib markii askari ka tirsan ciidamada dowladda uu rasaas ku furay dad u badan haween safaf dhaadheer ugu jiray deeq gargaar ah oo laga bixinayay xerada Rajo oo ku taalla duleedka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Saraakiil ka tirsan maamulka xerada oo aan la xiriirnay, ayaa dhacdadani waxay ku tilmaameen mid si aan ku talogal ahayn u dhacday ka dib markii qaar ka mid ah barakacayaasha ay ku soo xoomeen raashiinka gargaarka ah ee ka yimid dhinaca dalka isu tagga Imaaraadka Carabta. laakiin dadka barakacayaasha ee la dhibaateeyay ayaa arrinta ku tilmaamay mid sidaa ka duwan.
haweeney ka mid ah dadkii goob joogga ahaa markii uu falka dhacayay ayaa waxay leedahay “Walaalow xeradii aan joognay ayaa raashiin laga bixinayay nin qori wata ayaa meesha yimid, ka dib wuxuu rabay inuu wax xoogo laakiin xabad ayuu furay anagana waan kala orodnay”.
Cabdullaahi Maxamed Shirwac, oo ah guddoomiyaha ha’yadda maarreynta musiibooyinka Soomaaliya oo aan arrintan wax ka weydiinnay ayaa sheegay in dhacdadaasi aanu goob joog u ahayn balse ay tahay wax laga xumaado wuxuuna ugu baaqay hay’adaha ammaanka dowladda in arrimaha noocan ah ay ka hortagaan.
“ aniga meesha ma joogin laakiin dhacdada waa la ii sheegay, waana ka xumahay hal qof ayaa ku dhintay labo kalana waa dhaawac ayaa la igu yiri. waan u tacsiyeynayaa dadkii ay dhibaatadu gaartay, marka sidan oo kale ay dhacdo wuxuu waajib ka saaranyahay inay ka hortagaan waxna ka qabtaan hay’adaha amniga marka iyagaa howshan iska leh”
Dhacdooyinka noocan ah ayaa ku soo badanayay magaalada Muqdisho tan iyo intii ay soo galeen barakacayaasha abaaraha ka soo carary, mana jirto cid weli faldambiyeedyadani loo soo qabtay ama loo maxkamadeeyay taasi oo dhiirri gelineysa inay sii socdaan falalkani.
Yusuf Keynaan/MG/FM