Hay’ad daryeesha Carruurta Soomaaliyeed oo lagu magacaabo SOMCO, ayaa bishii September Magaalada Muqdisho ka furtay xarun lagu daryeelo Carruurta darbijiifka ah iyo kuwa ay dhaleen qoysaska danyarta ah.
Hay’addan ayaa waxaa aasaasay dhalinyaro wax ka barata jaamacadaha magaalada Muqdisho, oo iska kaashaday sidii ay wax ugu qaban lahaayeen carruurta darbifiifka ah iyo kuwa danyarta ah.
Axmed Soomow, oo ah madaxa hay’addan ayaa raadiyaha ERGO uga warbixiyay sida ay ugu suurto gashay inay furan xaruntaasi “ markaan aragnay dhibaatooyinka carruurta darbijiifka ah heysata oo ay ka mid tahay waxbarashao la’aanta, ayaan go’aansannay inaan u furno xarun lagu daryeelo waxna lagu baro. Waxaa jira carruur iyagu guryaha jooga oo aan heysan ced ka bixisa qarashaadka waxbarashada waxaana dhanka dhaqaalaha naga caawiyay ganacsato Soomaaliyeed”.
Axmed ayaa sheegay, in haatan carruurta ku jirta xaruntaasi ay gaarayaan 300 oo isugu jira Gabdho iyo Wiilal isla markaana ay soo ururintooda la kaashadeen bulshada magaalada Muqdisho.
Carruurtan ayaa waxaa xarunta lagu baraa maadooyin kala duwan, sida luqadaha,xirfadaha iyo tabarro akhlaaq wanaagga lagu barayo, sida uu sheegay Axmed Soomow waxaa la siiyaa carruurta darbi jiifka ah cunto maadaama aysan la nooleyn qoysas daryeela.
Guddoomiyaha hay’adda daryeelka carruurta Soomaaliyeed Axmed Soomow, ayaa ugu dambeyn ugu baaqay hay’adaha daryeela carruurta iyo bulshada Soomaaliyeedba inay gacan ka siiyaan sidii ay u ballaarin lahaayeen xaruntaasi.
Aadm Diyeeshe/FM