Iyadoo roobabkii deyrta ay ka curteen badanaa gobollada dalka, ayaa dadka ku dhaqan degmada Ceel-Dheer ee gobolka Galgaduud muddo saddex sano ah ka dib waxay billaabeen tacbashada beerahooda.
mid kamid ah odayaasha beeraleyda ah oo ku sugan Ceel-dheer, Maxamed Cali Culusoow ayaa Raadiyo ERGO uga warbixiyay sida ay u socoto howlaha tacabka beeraha:
“ Waxaan ku guda jirnaa tacbashada beeraheenna, waxaana dooneynaa inaan ka faa’iideysanno roobka ilaahay inoo keenay. Waxaana xilligan oo kale la beertaa dalagyada Galleyda, mesagada iyo digirta hadba wixii uu qofku awoodo” ayuu Yiri Culusoow.
Culusoow ayaa sidoo kale sheegay, inaysan jirin ced gacan ka siineysa sidii ay u heli lahaayeen miraha dalafyada ay doonayaan inay beertaan.
“Wax hay’ado ah oo illaa iyo hadda abuur ina soo gaarsiiyay ma jiraan, annaga ayaa ka keensannay Muqdisho iyo Gaalkacyo, waxay dadku dadaal u galeen sidii ay u heli lahaayeen abuurka oo fasalkaan uusan u dhaafin” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Culusoow.
Dhanka kale waxaa jira dad barakacayaal ah oo ku dhaqan Degmadaasi Ceel-Dheer, kuwaasoo aan heysan haysan Guryo hagaagsan oo ay ka galaan roobabka iyo qabowga habeenkii.
Inta badan deegaannada gobolka Galgaduud, ayaa waxaa laga helay roobabka deyrta oo ay dadku si weyn ugu diirsadeen maadaama in muddo ah dalka ay ka jireen abaaro lixaad leh.
Abdijamaal/FM