Gudoomiyaha degmada Baydhabo ee maamulka al-shabaab ayaa sheegay in ay sameeyeen daraasaadyo la xiriira beeraha islamarkaasina ay abaabuleen iskaashato u dhaqaaqaya taageeridda beeralayda si loo kordhiyo waxsoosaarka.
Kulamo maalmihii ugu dambeeyay ka soconayey magaalada Baydhabo ee gobolka Bay oo ay ka qeybgaleen Saraakiil ka tirsan al-shabaab, ganacsato, beeraley iyo dad ku xeeldheer beeraha ayaa looga hadlay waxkaqabashada dhibaatooyinka ay qabaan beeralayda iyo waxsoorka gobolka.
Sida uu sheegay mid kamid ah xubno dhowaan loomagacaabay wacyi gelinta beeralayda, waxaa jira guddi ka shaqeynaya horumarinta beeraha iyo dadka ka shaqeeya beeraha kuwaasi oo uu tilmaamay in laga sugayo dar dargelinta go’aanadii ka soo baxay kulamadaasi.
Inkastoo ay jiraan dadaallo uu wado maamulka degmada ayaa hadana waxaa jira cabasho beeralayda ay kamuujinayaan qala la’aan heysata iyo cayayaan dhibaateeya dalaga taasi oo hoos u dhac ku sameynaysa dadaaladii beeraleyda ay ku doonayeen in ay ku soo saareen waxyaabo tayo leh.
Ahmed Hassan oo kamid ah beeraleyda gobolka ayaa sheegay in ay jirto iskaashi la’aan iyo baahi loo qabo in la helo qalab ka saacida waxsoosaarkooda.
Beeralayda gobolada Bay iyo Bakool ayaa ah kuwo u baahan in ay helaan qalab haatan ka saacida tacabka si ay uga faaideystaan roobabka kaddib abaaro ku dhufta koonfurta Soomaaliya oo saameeyay noloshooda.