Xaaladihii ugu dambeeyey ee dagaallada Jubbooyinka

0
144

Guluf colaadeed oo xoog badan ayaa ka aloosan gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo iyadoo ciidamo is garabsanayaa ay si saf ballaaran ah u galeen goobo door ah. Weriyaheenna Maxamed Axmed Ilkacase oo wakhtigaan ku sugan deegaanka Qooqaani ayaana nooga warramay bal xaaladihii ugu dambeeyey.

Wuxuuna sheegay in waqtigaan ciidamada dawladda iyo kuwa Raaskambooni ay ku sugan yihiin Qooqaani, halkaasina fariisin u tahay, halka ciidamada Alshabaab ay joogaan degmada Afmadow iyo tuulo ka sokaysa lana yiraahdo Xaya.

Wax dagaal ah oo dhaca ayuu weriyuhu sheegay inay ugu dambaysay kii ka dhacay deegaanka Jilbeyste oo u dhexeeya Taabta iyo Qooqaani, halkaasoo ay ku dhinteen 35 qof ka tirsan dhinacyadii dagaallamayey, dagaalkaasoo dhacay todobaadkii la soo dhaafay.

Generaal Yuusuf Dhuumaal oo ka mid ah saraakiisha hoggaaminaysa ciidmada dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in waqtigaan ujeeddadoodu tahay sidii ay u gaari lahaayeen magaalada Kismaayo, ayna hadda wadaan qorhse ciidan oo ballaaran,

“Waxaa ciidamada dawladda oo ay kaabayaan kuwa Kenya ay kaga socdaan ururka Alshabab ilaa 4 jiho, Gedo ayey ka galeen degmada Ceel Waaq, Dhoobley, Kulbiyo iyo deegaanno ku dhow xeebta” sarkaalkaan ayaa ammaanay siday u socdaan qorshayaashooda ciidan.

Dhinaca ururka Alshabaab ayaan isku daynay inaan la xiriirno mase noo suurto gelin inaan wax faahfaahin ah ka helno. wuxuuse wariyaheennu sheegay in degmada Afmadow oo ay cidleeyeen laba maalmood ka hor ay hadda dib ugu soo noqdeen iyagoo keenay ciidan, kuna jira abaabul dagaal.

Maxamed Axmed Ilkacase wuxuu sheegay in ciidamadii dawladda Kenya ay waqtigaan ku sugan yihiin deegaanka Taabto, xilliganna ay adagtahay in guluf colaadeed la sii wado taasoo ay ugu wacan tahay roobab xooggan oo waqtigaan ka da’aya dhulka kaymaha badan ee ku teedsan gobolka Jubadda Hoose.

Qooqaani.

Maxamed Axmed Ilkacase/MH

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here