AFAR QOF OO CUDURKA SHUBANKA UGU GEERIYOODAY DEGMADA DHOOBLEY

0
126

Ilaa afar qof oo sadex kamid ah ay ahaayeen carruur aad u yar yar oo da’doodu ay ka yartahay Shan sano jir ayaa waxaa ay saacadihii lasoo dhaafay ay cudurka shuban biyoodka ugu geeriyoodeen gudaha degmada dhoobley ee gobbalka jubbada hoose.

Degmada Dhoobley iyo deegaanada ku teedsan ayaa waxaa maalmihii ugu dabeeyay ka jiray xaalado caafimaad dara ah oo la xariira shuban biyood kaasoo soo ridanayay caruurta yar yar iyo dadka da’da ah eek u nool deeganadaasi.

Dadkaan cudurka shuban biyoodka ugu geeriyooday degmada dhoobley ayaa intii aysan geeriyoonin ka hor waxaa la geeyay Isbitaalka degmada Dhoobley si ay u helaan adeegyada caafimaadka ee ay u baahanyihiin .

Sahra Cabdi Xasan oo ka tirsan Maamulka Isbitaalka Dhoobley ayaa Raadiyaha Ergo u sheegtay in ilaa Afar qof oo ay u badan yihiin caruur aad u yar yar ay saacadihii lasoo dhaafay Isbitaalka iyo magaalada dhoobley ay ugu geeriyoodeen cudurka shuban biyoodka,iyadoona intaasi ku dartay inay jiraan dad kale oo uu cudurka shuban biyoodka soo ritay kuwaasoo haatan ku jira Isbitaalka dhoobley si loogu sameeyo fuq celin.

Cudurka shuban biyoodka ayaa waxaa uu sidoo kale ka jiraa deegaanada Shaftuu iyo Deg-illima ee hoostaga degmada dhoobley halkaasoo ay ku nool yihiin qoysas dan yar ah, waxaana wararka aynu deegaanadaasi  ka helayno ay sheegayaan inay jiraan tiro dad ah oo cudurkaasi lagu arkay.

Isbitaalka degmada Dhoobley waxaa gacanta ku haya oo taakuleeya hay’ado ay kamid tahay hay’ada UNICEF,taasoo cisbitaalka ka caawisa adeegyada iyo agabka caafimaadka ee uu Isbitaalku u baahanyahay. Siday sheegayaan hawl wadeennada caafimaadka ee deegaankaasi colaadaha ka taagan deeganadaas ayaa xaaladaha uga sii daraya iyadoo hadda ay Dhoobley ku sugan yihiin boqolaal qof oo doonaya inay magansadaan xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab

Khadar Maxamuud/MH

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here