Hay’adihii gargaarka oo hakiyey hawlihii samafal ay ka wadeen xeryaha qaxootiga Dhadhaab

0
122

Amaanka xeryaha qaxootiga ee ku yaal Dhadhaab waqoyi bari Kenya oo sii xumaanaya ayaa keenay inay kordhaan fal denbiyaadka lagu afduubanayo shaqaalaha gargaarka caalamiga ah iyo gaadiidkooda, iyadoo weli aan meel ay jaan iyo cidhib dhigeen la hayn laba haween ah oo u shaqaynayey hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF, siduu ku soo waramayo weriyaheenna xeryaha qaxootigu Farxaan Lafoole waxaan maanta shaqaynayn dhamaan shaqaalihii hay’addaha gargaarka ee ka hawl galayey sedexda xero ee Dhadhaab iyagoona baqdin ka qaba arrimaha amaankooda, Maxamed Aadan oo ka mid ah shaqaalaha UNHCR ayaa Radio Ergo u sheegay in hawlaha shaqaalaha iyo dhaqdhaqaaqooda loo hakiyey sababaha dhinaca amaanka ah.

Maxamed Axmed Cawke oo isna u shaqeeya hay’adda Hand cup oo iyana ka mid ah hay’addaha ka hawl gala xeryahaas ayaa Radio Ergo u sheegay in gebi ahaanba ay joojiyeen adeegyadii ay ka hayeen xeryahaas.

Hawl joojinta shaqaalaha hay’addaha gargaarka ee xeryaha Dhadhaab waxay saamayn ku yeelatay adegyadii dhinaca nolosha oo ay ku jiraan kuwa caaifmaadka ee loo fidinayey dadka qaxootiga ah oo wakhtigaan ay haystaan dhibaatooyin badani, waxaanan gebi ahaanba shaqaynayn goobihii caafimaadka ee ku yaalay saddexdaas xero.

Dhanka kale roobab lixaad leh oo 24 saac ee la soo dhaafay ka da’ayey deegaanka Dhahaab ayaa hakad geliyey baadi goobkii loogu jiray in la soo helo labadii gabdhood ee u shaqaynayey MSF lana afduubtay shalay, iyadoo dhaawicii darawalkii gaariga u waday lana yiraahdo Maxamed Boorle iyo intii ku hartay shaqaalihii MSF xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab shalay galabnimadii loo soo qaaday Nairobi, dhaawaca darawalka ayaa laga helay isaga iyo gaarigiiba duleedka tuulada Madax Gisi oo qiyaastii 15km xeradda IFO u jirta, waxaana la cadeeyey in kooxda afduubka gaysatay ay lugahooda maalayaan kuna baxsadeen dhulka miyiga ah.

Amaan xumidda ku soo korortay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa samayn ku yeelatay isu socodka ganacsiaga iyo alaabooyinka ka imaan jirey Soomaaliya oo badi ay ku tiirsanaayeen nolosha dadka qaxootiga ahi, waxaana hadda sare u kacay qiimaha maciishadda quutal daruuriga ah oo ay ugu horayso sonkorta oo maanta ka maraysa xeryaha qaxootiga 11000 (koob iyo toban kun oo lacagta Kenya ah) una dhiganta 110 dollarka Maraykanka, arimahaan oo saamayn ku yeeshay nolosha dadka danyarta ah, iyadoo ay jiraan roobab mahiigaan ah oo xiligaanna da’aya.
Dhamaad

Lafoole/MH

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here