Qaar ka mid ah xeryaha barakacayaasha ee ku teedsan qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho oo aan u kuur galay xaalada ay ku sugan yihiin caruurta iyo haweenka ayaa waxaan indhahayga ku soo arkay caruur farabadan oo xiligani la ildaran cuduro ay ka mid yihiin jadeecaddaa shuban iyo nafaqadaro
Qaar kamid ah hooyooyinka barakcayaasha ah ee an kula sheekeystay xeryha aan booqday ayaa waxay ii sheegeen in caruur farabdan ay ka geeriyoodeen tan iyo markii ay soo gaareen magaalada Muqdisho kuwaasoo sheegay iney u geeriyoodeen shuban iyo nafaqadaro kadib markii ay sheegeen in caruurta aan loo haynin wax ay cuni karaan, iyadoo xeryha qaar laga kariyo sida ay ii sheegeen barakacayaasha aan la kulmay hal waqti oo la siiyo garaan bariis ah waaba hadii ay kala gaarto sida ay ku waramayaan barakacayaasha.
Madino Afraxey waa hooyo haysata gabar yar oo 5 sano jir ah lana yiraahdo Adeego Ibraahim Osman, gabadhan yar ayaa waxaa ka muuqda xaalad nafaqadaro oo aad u liidata mana awoodo canugtan inay saami u joogsato nafaqadarada haysata aawgeed “shuban, matag, qandho, wax ma cunayso, biyo keliya ayey cabtaa xaaladeeda waa sidaas” sidaasi waxaa ii sheegtay Hooyo Madino
Sidoo kale Xalimo Abukar waa hooyo ku dhaqan xerada barakcayaasha Markaabo waxey ii sheegtay in caruur ay dhashay ay cudarka Jadeecada kaga geeriyoodeen xeradan todobaadkii la soo dhaafay iyadoo iminkana caruur kale ay ka hayso xanuunka jadeecadda iyo nafaqadaro “ Jadeecaa iiga dhacday tan iyo bishii Soon ayay haysaa, waxaan siiyo malaha, caano malaha, sonkor malaha, roobaa nagu da’ayo waa dhibannahay”
Hooyadan oo magaceeda ku bilaabaysa ayaan waxaan kula kuylmay xerada barkacayaasha isbartiibo degaanka Sonakey ee degmada Hodan waxeyna ka sheekeynaysaa dhibaatooyinka nolol xumo ee ku haysata iyada iyo caruuteeda campka ay ku nool yihiin “aniga magacayga waa Iisho Ibraahim Ceymooy, aniga waxaan cunaayo malahan, canuga naaska iga nuugayo waxba igama helaayo, dhar mahaysano wax ma haysano, waxaan lahaa sideed caruur ah hal caloolaa iga dishay, waxaan ka wadaa calool shuban ayuu u dhintay, halkaan hal waqti oo bariis qaleyl ah ayaan ka cunaa caruurta wax ma u heyno, waxaan codsanaynaa in nala kaalmeeyo”
Dhanka kale xeryaha barakacayaasha qaar kood ee aan booqday ayaa waxaan ku arkay caruur kaligooda nool kuwaasoo waalikdii dhalay la ii sheegay in ay geeriyoodeen halka qaar kalana ay waalidiintooda ku kala lumeen abaarta darteed, gabadhan yar oo magaceeda ku bilaabaysa ayaa waxay ka mid tahay caruurta waalid la’aanta ku nool xerada barakacayaasha markaabo 2 ee degmada Hodan waxayna gabadhan yar ay wada nool yihiin laba caruur ah oo ay iyadu ugu weyntahay “Magacayga waa bishaaro walaalayaalow waxaan ka imaanay buur, halkaan roob ayaa nagu dhibaateeyay, waxaan cuno mahaysano, waxaan nahay caruur agoon ah oo waalidkoodu geeriyoodeen, halkaan waxan u imaanay inaan helno waxaan cuno” sidaasi waxaa Radiyaha Ergo u sheegtay Bishaaro
Sidoo kale xeryaha ay daganyihiin qoysaska barakacayaasha ee aan booqday ayaa waxaa ka mid ah Xerada Barakacayaasha Muuri oo u dhow safaaradii hore Mareykanka ee gudaha magaaladda Muqdisho halkaasoo ay ku nool yihiin Haween iyo Caruur farabadan oo la ildaran cuduro iyo Nafaqadaro.
Hooyooyinkii aan halkaasi kula sheekeystay waxaa kamid ah hooyo lagu magacaabo Haawo Ahmad waxey ii sheegtay hooyadan in laba caruur ah ay ka geeriyoodeen laba todobaad kadib markii uu haleelay cudurka.
Isku soo wada duuboo caruurta ku dhuqan xeryha barakcayaasha ee gudaha magaalada Muqdisho ayaa xiligani ah kuwo ula’anaya cuduro ay kamid yihiin Jadeecada, Shubanka iyo nafaqadaro, kuwaasoo aaanan helin wax daryeel ah hadii ay ahaan lahayd mid caafimaad iyo mid quudin intaba.
Sacdiya Mohamed/MH