Laba iyo toban qof ayaa ku geeriyoodey oo uu ka mid ahaa ilmayar oo hooyadiina ku jirtay dadka dhintay, oo ahaa rakaabkii laba gaadhi oo daad ku qaadey dooxa weyn ee tuulada Agabar oo waqooyina ka xigta 50km magalada Hargeysa una, gaawaaridaan oo socdey dalka Jabuuti.
Labadan gaadhi oo noocoodu yahay land cruser ayaa sidey rakaab gaadhaya ilaa 29 qof oo isugu jiray rag, haween iyo caruur waxanay labadaa gaadhi kabaxeen habeen hore magaalada Hargeysa.
Waxa ma siibadan u gurmadey cisbitaalka guud ee magaalda Hargeysa oo ay horkacayso wasiir-kuxigeenka wasaarada cafimaadka marwo Nimco Xuseen Qawdhan, waxaanay soo qaadeen 12 qof ee maydka ahaa iyo 16 qof oo dhaawacii ka soo badbaadey daadka waxayn keeneen cisbitaalada magaalada Hargeysa oo lagu dayweynayo halkaasi.
Waxa kale oo iyaguna tagay goobtaa ay ka dhacdey masiibadu koox ka tirsan golaha wasiirada oo uu hogaaminayo wasiirka wasaarada madaxtooyadda Somaliland Xirsi Xaaji Cali iyo wasiirka wax barashada marwo Samsam Cabdi Aden oo iyaguna wadey baabuur gurmad ah.
Intii aanay kooxaha gurmadku gaadhin waxa iyagu u sii gurmadey dadka dagan tuulada Agabar, waxana caqabad ku ah tuulada iyada oo laga bakhtiiyo khadka isgaadhsiinta habeenkii marka ay gaadho sida ay sheegeen dadka degan oo ah beeralay, taasoo in badan hakisay gurmadka dadkaas.
Waxanay sheegeen dadka degan tuulada Agabar in ay habeenkii uun socdaan baabuurata u baxda dalka Jabuuti sababtuna tahay in ay maalintii aanay socon karin baabuurtu kulayl awgii dhibaatadaasna uu keenay habeen socodkaasi.
Waddada isku xirta Hargaysa iyo Jabuuti ayaa ah mid aad u xun iyadoo marta dhul togag waaweyn iyo buuro leh in badanna keenta shilal iyo goobaha biyuhu maraan oo si lama filaan ah u soo rogmadda xilli baabuurtu ku dhex jiraan, taasoo ay dhacdo shilalkaan oo kale.
Sahra Cabdiwahab/MH