Odayaashani iyo Waxgaradkani ka soo jeeda degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo oo la soo xariirey Warbaahinta ayaa waxaa ay ka deyriyeen xaalada nololeed ee iminka ay ku sugan yihiin kumanaan Qoys oo ku barakacay dagaaladii dhowaan ka dhacay degmadaasi,iyagoona sheegaay Qoysaskaasi oo markoodii horeba la daala dhacayey dhibaatooyinka ka dhashey Abaaraha in intooda badan haatan ay ku nool yihiin xaalado qalafsan,iyagoona ku biirey Xeryo Qaxooti ah oo ku yaala magaalada Ceelwaaq Kenya,halka kuwa kalena ay u carareen Tuulooyinka u dhow dhow degmadaasi.
Nabadoon Ibraahin Aden Xuuriye oo ka mid ah Odoyaasha degmada Ceelwaaq oo la hadlayey Idaacada Ergo ayaa waxaa uu walaac ka muujiyey dagaalkii ugu dambeeyey ee dhowaan ka dhacay degmadaasi in uu sababay barakac xoogan oo soo gaarey dad uu ku sheegay ilaa shan kun oo qoys oo ku noolaa degmadaasi,isagoo sheegayna dagaalkaasi in uu si aada ah u saameeyey nolosha dadkii danyarta ahaa ee ku noolaa degmadaasi.
Qoysaskaasi faraha badan ayuu Qaarkood tilmaamay in ay u barakaceen gudaha Kenya halka kuwa kala ay dhibaatooyin ba’an ku haystaan deegaano hoos yimaada degmada Ceelwaaq oo xilliagni ay ka taagan yihiin dhibaatooyin adag oo dhinaca nolosha ah. isagoo hoosta ka xariiqay in xoolihii dadka ay dhaqan jireen ay intooda badan ku baaba,een abaaraha ku dhuftay gobolka.
Gobolka Gedo oo ka mid ah Gobolada ay la degeen dhibaatooyinka Abaaraha ee saameeyey nolosha dadka iyo Duunyada ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa uu magan u noqday dagaalo u dhaxeeay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo iyo Xarakada Al Shabaab taasi oo sababtay dhimasho, dhaawac iyo barakac ay sameeyeen dadkii danta yaraa ee ku noolaa gobolkaasi.
A Salihi