Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

Qeybtii koowaad ee barnaamijka tiiraanyo iyo tahriib.

Dad u soo tahriibay xeradda qaxootiga ee Dhadhaab (Sawir: Farxaan/Radio Ergo)

Somalia 10 Nov, 2011

Tahriibka ayey dad badan oo Soomaali ah aaminsan yihiin in uu yahay sababta labaad ee kumannaan qof ay ku waayeen naftoodii qaaliga ahayd, marka laga soo tago dagaallada iyo colaadaha oo ah sababta koowaad oo keentay damaca tahriibka.

Haddaba barnaamijkan oo la magac baxay tiiraanyo iyo tahriib, waxaan ku soo bandhigi doonnaa damaca tahriibka, waddooyinka ay adeegsadaan, waxyaabaha uu la kulmo iyo hadimada iyo qiyaanooyinka ay adeegsadaan dadka wax tahriibiya. Waxaana warbixintaan ka qayb gelaya dad badan oo arrintan ay aad u saameyso.

Tahriibka waa safar suuq madow oo dadka ay isaga kala gudbaan dalal ama qaarado aanay u dhalan, waxaana la aaminsan yahay in Soomaaliya uu ka billowday sanadihii ugu dambeeyay ee qaska iyo fawdada lugaha ay la sii gelaysay qiyaastii 1980-maadkii, xilligaasi oo dad badan oo soomaali ah ay dalka isaga bexeen  iyaga oo u kala jiheystahay dalal ay soomaaliya daris yihiin iyo kuwo masaafo ahaan aad  uga fog.

Tariibka ayaa sii xoogeystay oo isku baddalay wax aan qarsooneyn  sanadkii 1991 xilligaasi oo uu dalku galay  xaalad fowdo ah, Haddaba waa maxay sababta in badan oo ka ka mid ah Soomaalida  ay markiiba u  billaabeen  in tahriibka ay ku deg degaan, islamaarkaana  ay ka dhigaan waddo ay kaga bad baadaan duruufaha adag ee is biirsaday colaadaha ka jira Soomaaliyana ay keeneen iyadoo la ogyahay in tahriib ku  ka dhibaato yarayn dagaalka?

Arrintaasi ayaa waxaan wax ka weydiinnay Pro. Cabdinuur Macallin Abuukar, oo kuliyadda shareecada ka dhiga jaamacadda Beledweyn ee gobolka Hiiraan.

“Arrintan tahriibka ah waa mid dunida saddexaad ka jirta sida Aasiya, Africa, Laatin Ameerika iyo guud ahaan dalalkii horey loo gumeysan jirey ama waddamada soo koraya. marka dhibaatadan tahriibka  waxay qeyb ka tahay mushkiladda la yiraahdo dadka ka haajiraya waddamadooda oo ah in dadku dalkoodii ka tagaan , hijradaaas oo dadku si sharci ah u hijroodaan ama sharci darro labadaba way jirtaa, dhaqaalo xumada ayaana ugu horreysa, maxaaa yeelay  nolashu waa yididiilo haddii qofku nolosha yididiiladeeda uu waayo wuxuu isku dayayaa inuu wax ka baddalo oo uu mustaqbal ka gaddisan midka haatan uu ku noolyahay. wuxuuna isaga tegayaa goobtii ay ka soo wajahday mustaqbal xumadu deegaankii uu ku nolaa ee degdanaasho la’aantu ka jirtay, Deegaankii uu ku nolaa ee caddaalad darrada dhanka shaqadu ay ka jirtay, in uu ka hijroodo oo uu u hijroodo dhul uu is leeyahay way ka roon tahay midka haatan uu ku nool yahay taasina waxay keeneysaa in ay u hayaamaan deegaanno ay  is leeyihiin way ka wanaagsantahay kan ay ku nool yihiin sababta ugu wayn ay tahay dhaqaalaha sababo kale  oo iska yar yar ayaa jira ayadoo iska heytsa nolol ayey raadinayaan nolol kale taasina waxay ku timaaddaa dadkii hijrooday  oo usoo warrama dadkoodii ama dhaqaalo usoo dira oo laysku warramo oo la yiraahdo meeshaan ayaa ka wanaagsan meeshaas kale”.

Goormee ayuu Soomaaliya ka billowday tahriibka? Ayaan mar akle weydiinnay Pro. Cabdinuur wuxuuna leeyahay:  “markii ay yaraatay awooddii dowladda 1986 meelahaaas ayey dadka billabeen inay ka baxaan dalka ayna u gudban dalalka Carabta sida Yemen, Sucuudiga, Cumaan, iyo Imaaradka. markii ay dowladda burburtayna dadka waxayba billabeen inay u gudbaan dalalka yurub iyagoo isticmaalaya dhinaca badda u jeeddaduna waa isku mid”.

Dadka haddaba naftooda ku biimeeyay ee ka tahriibay Soomaaliya waxay ka kooban yihiin nooc waliba oo bulshada ka mid ah, laakiin sida aanu ku ogaannay xogbaaristan oo muddo bilo ah aan wadnay, waa dad 80 ilaa 100 ah, dhalanyaro isugu jirta rag iyo duma, raggu ha u badnaadee dhalinyarada ayaa iyaga arrintaasi waxay u sababeeyeen iyagoo ah kuwa dusha u rita inta badan dhibaatada dalka ka jirta haddii ay ahaan lahayd colaadda oo hab waliba ay ugu lug yeelan karaan dhibaatada kale ee dhalinyaradu ay ka cawdaan waa shaqo la’aanta iyo mugdiga ku yimid mustaqbalkooda.

Jamaal Faarax waa 22 jir, wuxuu ku suganyahay magaalada Boosaaso dhowr jeer ayuu halkaasi ka tahriibay, wuxuu ii sheegay inaanay jirin wax u furan dhalinyarada oo aan ahayn inay tahriibaan “Waxaan u socdaa tahriib waan xisaabtamay waan xisaabtamay ka dibna badda wax aan ka ahayn waa ii soo bixi waayeen, badda wax aan ahayn ee ii dhaama ma jirto. baabuur ayaan Qoryooley kasoo raacay, waxaan ku saarneyn shan dhalinyaro, shanteennaba tahriibaan u soconnay dad kalana hada waa ballansanahay inaan is racno, labo qof hadday meel isgu yimaadaan waxaan tahriib ahayn ma go’aansadaan”

Dadka ka tahriiba Soomaliya ayaan baaristani ku ogaannay inay isugu jiran dhalinta ka dhuumata waalidkooda oo sida kan tahriiba iyo qaar iyaga laga badanyahay oo dhiiri gelinta tahriibta iyo qarashaadkaba ka hel waalikood.

Maama Farxiya Cali Axmed, waxay ku nooshahay magaalada jowhar ee xarunta gobolka shabeellaha dhexe, waxaa dhowr carruur ah oo ay dhashay ay u tahriibeen dhinaca dalka yemen iyagoo uga sii gudbay dalka sucuudiga. waxayna ii sheegtay in carruurteeda ay dhiirrigelinta iyo qarashka tahriibkaba u siisay iydoo ka fogeyneysay murugada iyo mustaqbal  la’aanta haysata “Tahriibka horta waa dhib waan ognahay laakiin dan baa nagu kalliftay, dhibaato colaad iyo shaqo la’aan baa carruurtii daashatay, ilmihii niyad jab ayaa haya, maxaan qabtaa ayay ku leeyihiin mar annagii shaqo ma siin karno, waan ku qasbannahay inaan tahriibinno annagoo qatarta og annaga carruurteenna inay wax nagu taraan ayaan rabnaa mustaqbal ayaan rabnaa dhimasho ma u rabno”

Yuusf Keynaan/MH/FM

 

 

Deeq
January 5, 2012, 3:37 am
 
Runti ani ahan waxan ahay dhalinyaro waxana jooga wadamada dariska nala ah had iyo jeer waxan niyesta inan tahribo waayo waxa igu kalifayo wa wadanki an laheyn nabad, waxbarasho la.an,iyo nolol, marki ani ahan wan jeclahay inan wadanka wax u qabto maxan wax u qabta mid walba o an aqaano waxa u joga wadama yurub iyo america wuxuna iga falonaya wadamada ay ku nol yhn oo ah flower country and economic and knowladge marka qorshahayga wa hadi an arko qof i raacayo inan tahribo hadana qarash an ku baxo ma heysto go.ankaygu wa inta maxad fikrad ah ad isin lehdeyn
 

Deeq
January 5, 2012, 3:38 am
 
Runti ani ahan waxan ahay dhalinyaro waxana joga wadamada dariska nala ah had iyo jeer waxan niyesta inan tahribo waayo waxa igu kalifayo wa wadanki an laheyn nabad,waxbarasho la.an,iyo nolol ,marki ani ahan wan jeclahay inan wadanka wax u qabto maxan wax u qabta mid walba o an aqaano waxa u joga wadama yurub iyo america wuxuna iga falonaya wadamada ay ku nol yhn oo ah flower country and economic and knowladge marka qorshahayga wa hadi an arko qof i raacayo inan tahribo hadana qarash an ku baxo ma heysto go.ankaygu wa inta maxad fikrad ah ad isin lehdeyn
 

wariye maxamed muxumed muuse koronto
January 9, 2012, 3:06 am
 
marka hora asc dhamaan shqaaalaha idaacada ergo iyo maamulka suuban ee ergo waxaan ku suganahay xerada khaxootiga ee al kharaz ee dalka yemen walaala yaal waxaan hayaaa fursada shaqo waxaan codsanayaa shaqo wakiil wareednino radio ergo wixii JAWAAB AH FADLAN IIGI SOO HAGAAJIYA TELL 00967-736778706 AMA E-MAIL KORONTO1993@HOTMAIL.COM MAHADSANIDIIN DHAMAAN TIINBA
 

WARIYE MAXAMED MUXUMED MUUSE KORONTO
January 9, 2012, 3:13 am
 
TAHRIIBO YAAL SOOMAALI AH OO MADAX FURASHO AAY CIIDAMADA BADA EE YEMEN AAY UGU HAYSTAAN XEEBTA CADMEED EE DALKA YEMEN
 

Hani khaliif
March 13, 2012, 7:04 am
 
Aniga waxan ahay gabar da,a yar waxan ku nolahay muqdisho run ahaanti ra,ayiga aan qabo waxa weeyaan in aan tahriibo waxan tagay jabuti ethoipia adis ababa waxan ku nola mudo 4 years ah kadib waxan dib ugu soo laabtay muqdisho hada waxan muqdisho joga mudo 2 bilod ah ma ku arko wadankeyga hooyo nolal caadi ah aan ku negan karo hada qorshaheygu waa in aan ku tarhribo saxaraha liibiyo si aan u helo nolol dhaanto mida dalkeyga hooyo taal maxad igula talin lahayd
 

amiin
April 30, 2012, 7:52 am
 
aad iyo aadbaan ugu riyaaqay tobigan waad mahad san tihiin
 

Cabdishaafi Gelle
July 27, 2012, 8:55 am
 
Sababaha kukaliftay iney kuguraan dushooda iyo iney uguuran dalshisheye maxay tahay
 

HANAD
July 27, 2012, 1:08 pm
 
hani khalif waxn kuugu talin lahaa in aadan waligaa ku fakarin tahriib adigoo gabar somali ah misana muslim ah walaal soo ma ogid in gabdhihi la kufsado oo la jir dilo eey ku dhamaadeen saxaraha hadaa dhimatidnah waa naartii jaxiima marka aniga england baa joogaa siiba london marka waxa ka fiicnaanlaheyd in aankuu dacwoodo intaan kugu fiirsanlahaa dhimasho adoo gabar walaashey ah
 

Hibaaq
November 9, 2012, 5:06 am
 
Aniga waxan ahay gabadh da'a yar ruunti marwalibo wanku fikiraa inaan tahriibo hadana wan tahribaya haddu alle idmo
 

I
December 25, 2012, 1:56 pm
 
Asc walalayal waxan ahay wil dhalinyaraah, waxan ku fikirijiray inaan tahribo mudo markan iskudayay inantahribo waxa iqabatay wadanka Tansaniya waxayna idhigtay xabsi xun Obiyo lahayn iskada waxkale waxan kujiray mudo 1 sano ah, on halmalina maxkamad la ima geyn, waxanahayn Soomali 250, Sanadkumarku ahaa 25/5/2011. Halkasan kala kulanay jindil xun,waxyabo anaaqoninakulakulanay,sida raga oodabadiskafula ooisnaagaysta,marka walaalahayga somaliyed waxankulatalinlahaa inaadwadankina iskajogtan,talaxumi godbaykuguridaa walalayal kajogawadada,waigataloani akugubtay ,by reediyow ergo.com
 

Faallo

Magac
Emayl
Faallo
Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS