Gedo 09 Sep, 2011
Xaaladaha abaareed ee ka jira gobolka gedo waa kuwa ka sii daraya, dadkuna badi waa ay ka sii hayaamayaan degaanadooda, qoyka reer miyiga ah ee ku nool dhulka badiyaha ah ee ku yaala gobolka gedo waxa ay in ay ka baxsadaan degaannadooda iyagoo u baqoolaya degaanno ka fog halka ay ku nool yihiin, kadib markii ay noqdeen kuwa aanan wax haysanin. Muuqaalka guud ee dadku waa mid ay ka muuqato macluul aad u daran rafaad
dhulku waa omos kuleyl iyo qalayl uu ka jiro, dhammaan dhirtii cagaarnayd ee doogga ahayd waxa ay isu baddashay oo ay u ekaatay cawl, badi degaannada uu gobolku ka kooban yahay waxa ku yar biyaha oo dadku waxa ay u le`anayaan harraad iyo gaajo meelaha qaarna waxaa ka dillaacay cudurro ay ka mid yihiin shuban, mallaariyo nafaqa dari, iyo jadeeco kuwaasoo ay maalin waliba u dhimanayaan caruur iyo dad da` ah.
Koox saxafiyiin iyo samafayaal isugu jirta oo dhawaan booqatay qeyba ka mid ah miyiga gobolka Gedo gaar ahaan degaano ay kamid yihiin Beled xaawo, Dooloow, Luuq iyo Garbahaareey,ayaa shegay iyagu in goobihii ay booqdeen ay ku soo arkeen raqda xoolihii ku le,aday abaaraha ku dhuftay gobolka.
Nin ka mid ah reer miyiga gobolka Gedo oo la hadlayay warbaahinta ERGO ayaa sheegay in ilaa 100 halaad oo geela uu ku waayay abaaraha adag ee ku dhuftay gobolka, ninkaasi ayaa sidoo kale sheegay in meel geel ku dhintay lagu dhintay, ninkaasoo codkiisa laga dareemayay sida uu uga xun yahay dhibaatadaasi saamaynta ku yeelatay.
Sidoo kale haweeney 94 jir ah oo ka mid ah reer miyiga gobolka Gedo kana mid ah qoysaska ay saamaynta daran ku yeelatay abaaraha ayaa sheegtay in aysan arag abid abaartanoo kale, waxaana ay sheegtay in dhibaato xooggan ay dareemayaan.
Degmada Dooloow oo iyana ka tirsan gobolka Gedo waxaa haatan ku sugan oo soo gaaray qoysas barakacayaal ah oo ka soo barakacay abaarta ka jirta degmada baardheere ,mid kamid ah haweenki soo gaaray dooloow kana soo barakacday Degmada Baardheere ayaa sheegtay in ay jidka ku soo jireen muddo ka badan hal bil.iyadoona sheegtay in aysan waxba haysanin xoolahoodiina ay ka dhamaysay abaartu. Iyadoona ugu dambayntii codsi u dirtay hay, adaha samafalka.
Saraakiisha caafimaadka degmada beled xawo oo ka mid ah degmooyinka gobolka gedo isla mar ahaantaana ku taala soohdinta kala qeybisa Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay caruurta iyo dadka da,ada ah in ay u dhimanayaan jadeeco iyo nafaqa dari.
Ugu dambayntii maamulka gobolka gedo ayaa sheegay in xaalado bini, aadaminimo oo aad Qatar u ah ay xilligaan ka jiraan gobolka, caruurta iyo dadka da`da ahna ay u dhimanayaan gaajo iyo nafaqa dari,waxana ugu dambayntii maamulku baaq u diray hay,adaha samafalka.
Si kastaba ha ahaatee gobolka Gedo oo dhaca jhada koonfur galbeed ee soomaaliya soohdinna la wadaaga dalalka Kenya iyo Ethiopia ayaa waxaa xilligaan ka jira abaaro adag oo saamayn ku yeeshay dadka iyo duunyada ku nool gobolkaasi waxana ka jira gobolka xaalado bini, aadaminimo oo aan indhaha laga qarsan Karin.
Nuur