28 Oct, 2011
Xaaladda biyaha ee magaalada laascaanood, ayaa waxay ahayd muddooyinkii ugu dambeeyay Mid adag oo Saamayn balaadhan ku yeelatay dadka ku dhaqan gudaha magaalada Laascaanood oo biyaha laga cabo ay yihiin kuwo adag.
gabi ahaanba gobolka Sool malaha biyo macaan Oo ceel ah, laakiin waxa ay magaaladu ku tiirsantahay biyo macaan oo laga keeno baraagaha ku teedsan magaalada Laascaanood sida deegaanka Kalabaydh oo inta badan laga keeno biyaha macaan ee laga isticmaalo magaalada
Biyaha macaan ee la cabo waxa u soo raaca kuwa durdurka ah ee magaalada laga dhaamiyo oo ah biyo fudud oo xaddiga laga dhaamiyo daboola guud ahaan dadka ku dhaqan magalaada Laascaanood, xaaladda durdurka oo haatan ay tahay mid aad u daran kana dhigaysa meel aad u qallalan oo gabi ahaanba aan laga helayn durdurka biyihii looga dhaamin jiray magaalada.
Faarax Cabdi Raage, oo isagu muddo dheer joogay durdurka Laascaanood ayaa Raadiyaha ERGO u sheegay in durdurku uu ahaan jiray Laas biyaha laga darsado, laakiin hadda waxa uu taagan yahay inuu gabi ahaan ka baxo meesha uuna isu baddalo godad waawayn oo qallalan.
Faarax wuxuu ku macneeyay is baddalka inay dhaliyeen cimilada iyo hawada, wuxuuna ka codsaday beesha gargaarka in si dag dag ah ay wax uga qabtaan xaaladda biyo la’aaneed ee haysata deegaannada gobolka Sool.
Dhanka kale qaar ka tirsan gaadiidlayda biyaha ka dhaamisa durdurka Laascaanood ayaa sheegay, inay saamayn wayn ku yeelatay xaaladda biyaha durdurka oo ay sheegeen in hoos u dhac uu ku yimid biyaha ay dhaamiyaan oo aan hadda ahayn sidii hore loo dhaamin jiray.
Xaaladdan haddii aan waxa laga qaban, waxa ay saamayn ku yeelan doontaa guud ahaan Magaalada Laascaanood oo ay ku nool yihiin dad aad u fara badan sida ay gaadiidleydu aaminsan yihiin.
Si kastaba ha ahaatee, xaaladda durdurka Laascaanood ayaa waxay noqonaysaa mid culays wayn ku soo kordhisay gobolka Sool, waaxana looga dhaamiyaa dadka reer guuraaga ah xiliyada abaaruhu ay ka jiraan deegaannadan. waxaa durdurka aad ugu tiirsan sidoo kale dhulka Howdka ah ee gobolka Sool xilliyada abaaraha, iyo iyadoo biyo looga dhaamiyo xoolaha iyo dadka.
Cabdkariin/MH