Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

Urur dhalinyaro oo ka dhisan Burco oo soo bandhigay hannaan ay dib ugu farsamaynayaan bacaha balaastikada ah.

Waa agab llaga sameeyey bacdii la isticmaalay (Sawir: Sidiq Yusuf/Radio Ergo)

Burco 27 Oct, 2011

 

Bacda balaastikada ah ee ay dadku ku adeegtaan, ayaa dhibaato ba’an ku haysa deegaanka waxayna saamayn ku yeelatay Noolaha, iyadoo wax u dhintay quruxda iyo  bilicda deegaanka. xoolaha ayaa sidoo kale bacdu ay ku tahay dhibaato, marka la daaq geeyo ayey cunaan, waxayna in badan u keentaa cudurro kaga dhaca caloosha iyo dheefshiidka taasoo neefka ku keenta marka dambe inuu ku dhaco xanuun ama caloosha ay kaga maranto si sahlanna u dhinto.

 Aamina Axmed, waa hooyo Burco ku haysata xoogaa Riyo ah, waxay tiri: “markaan sii dayno Riyaha waxay cunaan bacda, maalmo kadibna way u dhintaan oo inta xoolo bacdaan cuntay ee iiga dhimatay tiro ma lahan”.

Dalal badan ayaa isku deyey inay wax kale ku beddeshaan si ay uga hortagaan aafada ay leedahay bacdu, mase jiro hadda qorshe mideysan oo la hirgeliyey.

Haddaba urur gudaha Somaliland ka hawl gala lana yiraahdo SYC kana dhisan  Magaaladda Burco, ayaa lagu soo bandhigey hannaan cusub oo bacdaan looga faa’iidaysanayo si loo yareeyo dhibaatada ay deegaanka iyo xoolahaba ku hayso.

  Waxyaabaha ay soo bandhigeen kana sameeyeen bacda la tuuray ayaa waxaa ka mid ah, alaabooyinka kala ah seledaha, daasadaha, qalabka baabuurta lagu qurxiyo iyo kuwo kale, waxayna u tababareen farsamadaan 190 qof  waxayna dib u soo iibsadaan bacaha la isticmaalo oo ay halkii kiilaba ka siistaan lacag dhan $1 (hal doollar), sidoo kale waxaa bacahaan suuqyada magaalada ka soo ururiya dad badan oo kala duwan kana hela xoogaa dhaqaale ah.

Bandhigga ururkani uu ku soo bandhigey waxyaabah ay ka sameeyeen bacaha, ayaa waxa furay gudoomiyaha  magaladda Burco Yaasiin Maxamed Cabdi, wuxuuna ku tilmaamay arrintaan wax wanaagsan oo bulshada u soo kordhay, isagoo ku boorriyey dadka gobolka inay sidoo kale ka faa’iidaystaan oo ay ururiyaan  waxyaabaha balaastikada ah una keenaan dadka dib u farsameeya.

Cabdifataax Cali Axmed, waa gudoomiyaha SYC, wuxuuna yiri “ujeedadeennu waa  sidii aan dhalinyarada ugu baraarujin lahayn inay bulshadda wax tar u noqdaan, muddo laba sano ah ayaan hadda ka shaqaynaynay sidii deegaanka loo badbaadin lahaa, waxaan billownay sanadkaan horraantiisii wejigiisii labaad”

Cabdifataax ayaa intaa raaciyay, inaysan dadku dareensanayn dhibaatada bacdu u leedahay xoolaha, dadka iyo deegaankaba taasoo aan ka qabannay tababarro, waxaanan markii dambe go’aansannay inay tahay fursaddan tan keliya ee lagu dabar jari karo bacda meel kasta taal”.

Bacahaan dib loo hagaajinayo, ayaa faa’iidooyinkeedu noqonayaan fursado kala duwan, waxaa shaqooyin ka helaya dad badan waxaana badbaadaya deegaankii oo ay ku yaraanayaan bacdii balaastikada ahayd.

Dhammaad

Sidiiq Yuusuf/MH

 

Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Faallo

Magac
Emayl
Faallo
Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS