Gaalkacayo 09 Sep, 2011
(Raadiyo Ergo) - Xaaladda magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa dagan ka dib dagaalo magaaladaasi maalma ka hor ku dhex maray ciidamada maamul goboleedka Puntland iyo maleeshiya beeleed degan xaafadda Garsoor oo ka mid ah xaafadaha magaalada Gaal-kacyo.
Waxaa soconaya wadahadalo u dhexeeya dawladda Puntland iyo waxgaradka ku nool gobolka mudug ,dagaalada maalmihii ugu dambeeyay ka dhacay magaaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah,
Waxana taasi ay sababtay in barakac xoogan ay sameeyaan shacabki ku noolaa gudaha magaalada.
Ugu yaraan afarmeelood saddex meel dadkii ku dhaqnaa gudaha magaalada Gaal-kacyo ayaa isaga barakacay guryahooda,Goobaha ugu badan ee ay gaareen dadkii ka cararay colaadaha ayaa waxaa kamid ah, Burtinle, Bacaadweyn Bandiiradleey, Goldogob Xarfo, Boosaaso.
Wariyaheena Xasan Xuseen Xasan Burtinle oo booqday qeyba kamid ah goobaha ay u barakaceen qoysaskii ka cararay dagaaladi ka dhacay magaalada Gaal-kacyo ayaa ku waramaya in meelaha qaar ay ka jirto biya yari iyo xaalado bini ,aadaminimo oo soo food saartay qoysaskaasi.
Xerada barakacayaasha Margaaga ee ku taala degaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa gaaray qoysas badan iyadoo qaar kamid ah qoysaskaasina ay billaabeen inay dagaan banaanka fog ee dhulka baadiyaha ah kadib markii ay buux dhaaftay xerada barakacayaasha ee Margaaga.
Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa haatan degan iyadoona halkaasi ay ka soconayaan dadaalo dhanka nabadda ah kuwasoo ay ka qeyb qaadanayaan..waxgaradka iyo dhinacyadi ku dagaalamay magaalada.
Khaliif Ciise Mudan oo isagu ah wasiirka wasaaradda amniga maamul goboleedka Puntland oo shir jaraaid ku qabtay gudaha magaalada Gaal-kacyo ayaa sheegay in heshiis la gaaray isagoona sheegay in waxyaabihii lagu heshiiyay ay ka mid yihiin in ciidamada la kala qaado, in wadooyinka la furo, in dadka qaba dhaawacyada la gaarsiiyo laamaha caafimaadka, waxana sidoo kale uu ugu baaqay shacabkii ka barakacay magaalada in ay guryahooda ku soo laabtaan
Khaliif ciise mudan wasiirka wasaaradda amniga maamul goboleedka Puntland ayaa ugu dambeyntii shirkiisa jaraaid ku xusay in wadahadaladu ay sii socondoonaan.
Si kastaba ha ahaatee magaalada Gaalkacyo oo maalmihii la soo dhaafay ay ka jireen xasarado dhanka ammaanka ah oo u dhexeeya ciidamada maamulka Puntland iyo maleeshiyaad ku sugan xaafadda Garsoor ee katirsan magaaladaasi Gaal-kacyo ayaa waxaa xilligaan laga dareemayaa saansaan nabadeed iyadoona wararki ugu dambeeya y ee halkaasi ka soo baxayana ay tibaaxayaan in dadka qaar ay billaabeen in dib ay ugu soo laabtaan guryahooda.
Burtinle