Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

Haweenkii abaarta ku soo barakacay oo bilaabay xirfado ay ku shaqaystaan

Hawenay mid ah barakacayaashii abaareed oo bilowday iibinta khudaarta - Muqdisho (Sawir/Nasra Bakaal/Radio Ergo)

Muqdisho 09 Aug, 2012

Haweenkii Kasoo barakacay abaarihii ku dhuftay Soomaaliya oo qaarkood horumar dhinaca ganacsiga ku tallaabsaday iyagoo carruurtoodana ay heleen waxbarasho lacag la`aan ah
“ Beer-falid iyo dhibaato ayaan markeennii hore ku jirnay haddase waxaan lasoo kulannay aqoontii, carruurteyda waxay i dhahaan  buug  iyo qalin soo qabso oo magacayga inuu ibaro ayuu gaaray wiilkeyga oo siddeed jir ah, oo aan carruurteyda agoontinimo aan ku korinayo ka mid ah”  ayay tiri Faadumo Nuur Arwaax oo kamid ah haweenkii  ka soo barakacay abaarihii ku dhuftay gobollada koonfureed ee soo gaaray magaalada Muqdisho, taasi  oo horumar  weyn ka sameysay dhinacyo badan oo ay ka mid tahay maarreynta nolosha qoyskeeda iyo waxbarashada carruurta.

Haweeneydan ayaa aroor walba u kallahda suuqa weyn we bakaaraha  si ay uga soo iibsato khudaar, taasi oo ay ku iibiso goob aan ka dheereyn kaam ay ka deggan tahay magaalada Muqdisho oo ay ka sameysay ganacsi kooban.

“Khudaarta ayaan ka ganacsadaa noocyadeeda kala duwan, waxyaabaha ay ii goyso lacagteyda iyo kuwo deyn aan ku soo qaado ayay isugu jirtaa si aan nolosheyda ugu dabaro, wax kasii badanna Alle ayaan ka baryeynaa.” Ayay tiri Faadumo Nuur.

Sahro Cumar Aadan waxay ka mid tahay haweenkii ka soo barakacay gobolka Shabeellaha Dhexe haatanna  ka ganacsata dhuxusha, waxay Raadiyo Ergo ugu warbixisay qaabkii ay ku billowday ganacsigan iyo sida ay nolosheeda u maareyso.

“Waxaan degganahay kaam Barwaaqo, dhuxul ayaan ka ganacsadaa oo illaa 20-loor ayaan degsadaa waana kasii macaashaa, waana hormar weyn oo ganacsi oo noqotay il aan ku tusaalo qaato,” ayay tiri sahro.

Waxay intaa ku dartay “Dhuxusha waxaan ku billaabay wiil aan dhalay ayaa hay`adda Concern ay siin jirtay bil walba boqol doollarka Mareykanka ah,  inkastoo ay iga jareen marka lacagtaas ayaan ku billaabay oo ii noqotay il aan ku tusaalo qaato, illaa haddana waan wadaa xitaa lacagta haddii ay is dhinto deen ayaan soo qaataa waana ka macaashaa waana ganacsi aan aniga sameystay oo illaa hadda aan wado.”

Sidookale haween la mid ah Faadumo iyo Sahra ayaa deggan xerooyinka barakacaayashii abaartu ay soo ceyrteysay kuwaasi oo ku yaalla magaalada Muqdisho, oohorumar muuqda sameeyay tan iyo markii ay soo gaareen caasimadda.

Xabiibo Cabduqaadir oo ka mid ah haweenkaasi iibsina khudaarta ayaa sharraxaad kooban ka bixineysa waxyaabaha ku dhaliyay inay guda gasho howshan iyo qaabka ay ku billowday. “Markii hore yaanyada waan soo deensan jiray, hadda gabar walaashey ah ayaa dhoobey iiga soo dhiibto waxaana igu dhiirrigeliyay maddaama aan shaqo heynin inaan ka wardoono inaan hormar iyo khasaare key noqotaba ka sameeyo khudaarta.” Ayay tiri Xabiibo.

Abaarihii ku dhuftay gobolka Geeska Afrika oo dalka Soomaaliya ay kamid ahayd goobihii ugu darnaa ee saameynta weyn ay ku yeelatay, ayaa haweenkan waxay ka hadlayaan xaaladihii ay lasoo kulmeen  intii ay ku guda jireen safarkii Muqdisho iyo deegaanndii ay ka soo barakaceen iyo isbeddelka noloshooda ku dhacay markii ay Muqdisho soo gaareen.

“ Rafaad yar lama kulmin markaan soo barakaceynay beerihii oo abaarsaday iyo guryihii oo dumay, rafaad culus ayaan la soo kulanany, qofkii tuugsan kara qofkii dharkiisa beertiisa iyo guryihiisa iibin kara ayaan isugu jirnay waana soo lugeynay, qaar Qoryooley ayay ku hareen annagana  Muqdisho ayaan imaannay, illaa 50 qoys annaga oo ah.” ayay tiri Faadumo. Faadumo ayaa intaasi raacisay in marka ay Muqdisho timid ay la qabsatay nolosha isla markaana lagu caawiyay hoy, cunno iyo waxbarasho.

Haweenkan ayaa dhammaantood qaba fikir ah in aanay dib ugu laaban deegaannadii ay markii hore ka soo barakaceen, sabab la xiriira inaysan ka heli karin adeegyadii ay Muqdisho ku heleen oo waxbarashada ay ugu horreyso. Carruurta ay dhaleen haweenkan ayaa helay waxbarasho lacag la`aan ah, taasi oo dhiirrigelin weyn u noqotay hooyooyinkan horumarka waxbarasho ee ay  la damacsan yihiin carruurtooda.

Si kastaba, waxaa jira haween farabadan oo isugu jira kuwo abaarihii ka soo barakacay iyo kuwa ay saameen ku yeesheen dagaalladii dalka ka dhici jiray oo ku sugan kaamam kala duwan oo ku yaalla gobolka Banaadir,  kuwaasi oo u xuub siibtay si ay horumar la taaban karo u gaarsiiyaaan qoysaskooda, qabtana adeegyo uu ganacsigu ka mid yahay.

Nasra Cabdi Cismaan/FM          


Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Faallo

Magac
Emayl
Faallo
Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS