Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

Isbitaal Banaadir: 10 qof oo nafaqo daro haysato ayaa maalintii timaada

Ilmo ay naafaysay nafaqo daro (Sawir/Kaydka/Sacdiyo Mohamed/Radio Ergo)

Muqdisho 27 Jul, 2012Iyadoo dhowaan ay sheegtay qaramada midoobay inay yaraatay macaluusha Soomaaliya ka jirtay ayaa haddana maalmihii lasoo dhaafay waxaa isa soo taraya dadka uu soo ridanayo xanuunnka nafaqadarrada gaar ahaan carruurta da`dooda ay ka yartahay 5-sano  sida ay sheegayaan saraakiisha caafimaadka magaalada Muqdisho gaar ahaan madaxa caafimaadka isbitaalka Banaadir Dr Luul Maxamuud Maxamed,  waxayna sheegtay in maalmihii lasoo dhaafay  ay jireen tiro aan fadhin oo ah xanuunka nafaqadarrada oo soo gaaraya isbitaalka Banaadir gaar ahaan cudurrada oo siyaabo kala duwan dadka ugu dhaca kadibna ay unuglaadaan xaaladaha nafaqadarrada loo yaqaan.

“Waxaan maalintii qabannaa bukaan gaaraya illaa 10 qof oo qaba xanuunka nafaqadarrada  waxaana dadka oo qaba xanuunno kale ay markasta lasoo gudboonaataa xaalasda nafaqadara ah, waxaana dadka badankood ay nooga yimaadaan xerooyinka barakacayaasha iyo dadka saboolka ah.” Ayay tiri Diktooreysa Luul.

 Sidoo kale Dr. Luul Maxamuud ayaa sheegtay inuu jiro gaabaabsi ku yimid  daawooyinka quudinta ee isbitaalka, sidaas darteedna xilligan uusan isbitaalka awoodi Karin quudinta dadka qaba xanuunka nafaqadarrada gaar ahaan carruurta.

“Waxaa jira gabaabsi ku yimid daawooyinka quudinta isbitaalka Banaadir oo hadda ay tahay mid yar,  islamarkaana gabaabsi uu ku jiro” ayay tiri Dr. Luul.

Dr Luul Maxamuud ayaa ku baaqay in dadka marka hore laga taageero dhanka gargaarka si loo yareeyo nafaqadarrada haysata dadka, sidoo kalana ay u baahan yihiin in laga caawiyo daawooyinka si ay dadku u helaan daawooyinka quudinta ee isbitaalka Banaadir.

Dadkan qaba xanuunka nafaqadarrada ayaa intabadan waxay ka imaanayaan kaamamka ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah,  waxaana inta badan carruurta soo foodsaartay xaalad nafaqadarro ah.
Abdulkadir Abdulle/FM

Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Faallo

Magac
Emayl
Faallo
Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS