Illaa 8 ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyootay tira kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib dagaalo xoogan oo ka soconaya qeyba kamid ah xaafado ku yaala degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa,ee magaalada Muqdisho.
Dagaaladaan oo la isu adegsanayo hubka culus iyo kan fudud ayaa waxay u dhexeeyaan ciidamada dawlada Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa AMISOM iyo xarakada Shabaabul Mujaahidiin,
Dad gobjoogayaal ah oo ku sugan degaanda dagaalada iyo duqeymuhu ka soconayaan ayaa ku waramaya in ciidamada dawladda kmg Soomaaliya ay weerar ku qaadeen xaafado kamid ah degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa halkaasoo ay fariisimo ku lahaayeen ciiidamada xarakada mujaahidiinta Alshabaab,
Taliyaha guutada koowaad ee dawladda Soomaaliya Maxamed Maxamuud Saney ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ciidamadoodu ay la wareegeen, isgoyska Ex-kontarol Balcad, Hotel Ramadaan, Xayle Bariise, saldhiga degmada Heliwaa iyo gobo kale oo kamid ah degmada Yaqshiid,
Dagaalkaan oo u muuqda mid qorsheysan ayaa wali waxa uu ka soconayaa qeyba kamid ah degmooyinka deriska ah ee Yaaqshiid iyo Heliwaa, waxana dagaaladaan ay qeyb ka yihiin dagaalo maalintii Sabtida ahayd ka dhacay xaafado kamid ah degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.kuwaasoo u dhexeeyay dhinacyadaan hada dagaalku u dhexeeyo.
Weli waxaa adag in la ogaado xaaladaha dhabta ah ee ay ku sugan yihiin dadka rayidka ah ee ku nool goobaha dagaaladu ka soconayaan, waxaana wali socda duqeymo xoogan oo ku dhacaya xaafadaha ay ku nool yihiin rayidku.
Yusuf Kaynaan/MH