BARACAKAASHA IYO QAXOOTIGA

Waxbarashada xeryaha qaxootiga Soomaalida dalka Yemen oo la horumarinayo

Qaxooti Soomaaliyeed oo ka soo laabtay dalka Yemen kuna sugan Boosaaso (Sawir: Keydka/Axmed Soomaali/Raadiyo Ergo)
Nairobi 04/05/2012Wafdi  ka socday dowladda Turkiga oo booqday  qaar ka mid ah xerooyinka qaxootiga Soomaaliyeed ay kaga jiraan waddanka Yemen, ayaa sheegay inay horumarinayaan waxbarashada qaxootiga Soomaalida ee ku sugan xeryahaasi.

Wafdigaan oo ka koobnaa illaa laba qeybood ayaa qeyb ka mid ah waxay ka soo kicitimeen magaalada Geneva ee waddanka  Switzerland, halka qeybta kale ee wafdigana ay ka yimaadeen waddanka Turkiga.

Wafdigaan ayaa kormeer iyo indha-indhayn ku soo sameeyay xeryaha ay  qaxootiga Soomaalidu kaga sugan yihiin dalkaasi Yemen,  iyagoo sidoo kale booqday xarunta weyn ee hay`adda UNHCR ku leedahay magaalada Cadan ee waddankaasi Yemen .

Cabdifataax  Maxamad Axmed  oo k amid ah ardayda ku sugan waddankaasi Yemen isla mar ahaantaana ka mid ahaa arday Soomaaliyeed oo wafdigaasi  kulamo la qaatay, ayaa idaacadda Ergo u sheegay in wafdiga ay kala hadleen sidii loo soo xuli lahaa illaa 150 arday Soomaaliyeed oo dawladda  Turkigu uga fidineyso deeq  waxbarasho gudaha waddankaasi Turkiga.

Waxay sheegeen wafdigu in dowladda waddanka Turkigu ay ka go`antahay sidii ay u horumarin lahayd waxbarashada  ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan Yemen, ayuu yiri  Cabdifataax oo intaasi ku daray in shuruudo ay ku xireen inti aan la qaadin ardaydaasi taasoo ah ayuu yiri  in waalidiinta ardaydaasi laga doonayo inay saxiixaan lana socdaan dhaqdhaqaaqa ardayda.

Si kastaba  ha  ahaatee waa markii ugu horreysay ee wafdi ka socda waddanka Turkiga uu booqdo xeryaha qaxootiga Soomaalida ay kaga jiraan waddanka Yemen,  kuwaasoo misna  ballanqaada inay horumarinayaan waxbarashada qaxootiga Soomaalida Yemen,  balse ma ahaan markii ugu horreysay ee ay dowaladda waddanka Turkigu deeq waxbarasho ugu yaboohdo arday Soomaaliyeed.

MG/AA/FM

Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Faallo

Magac
Emayl
Faallo

Qodobbo dheeri ah

HOY
WARARKA
BARNAAMIJYADA
QODOBBO
MUUQAAL
SAWIRRO
WARAYSIYO
KAYDKA
ANNAGA
NAGALA SOO XIRIIR
BARNAAMIJYADHII HORE