ARRIMAHA BULSHADA

Xiriirka gaadiidka gobollada koofur galbeed oo si taxaddar leh dib ugu soo laabtay

Gaadiidleyda ayaa aad ugu faraxsan waddadan dib u furantay (Saiwr: Keydka/Cabdulqaadir Cabdulle/Radio Ergo)
Gedo 30/04/2012

Qaar ka mid ah gaadiidka isaga kala goosha inta u dhaxeysa magaalooyinka Luuq iyo Baydhabo ayaa billaabay inay maraan oo ay isticmaalaan waddada isku xirta Luuq, Yurkut, Bardaale illaa iyo Baydhabo, ka dib muddo qiyaas ahaan dhan illaa iyo hal sano oo uu marinkaasi u xirnaa colaadaha ka taagnaa gobollada ku yaalla koofur galbeed Soomaaliya.

Gaadiidka dib u billaabay inay maraan jidkan dheer ee xiriirsan Luuq illaa iyo Baydhabo oo aad muhiim ugu ah isu socodka dadweynaha iyo ganacsaga, ayaa isugu jira kuwa xambaara xamuulka iyo kuwa qaada rakaabka dadweynaha, sida ay sheegeen qaar ka mid ah gaadiidleyd oo la hadlay Raadiyo Ergo waxaa jira wali baqdin la xiriirta inay badan tahay halista lagala kulmi karo isticmaalidda waddadaas, maaddaama aanu jirin amar ama oggolaanshiyo cad oo ka soo baxday dhinacyadii ay colaaddu u dhaxeysay.

Mid ka mid ah gaadiidleyda oo u warramay Ergo ayaa sheegay in inkastoo ay wadayaasha gawaarida qaar ku dhiirradeen inay maraan waddadaas ay haddana khatarteedu badan tahay, maxaa yeelay buu yiri waxaa jiri kara miinooyinka horay loogu aasay jidka oo aan wali qarxin ama la bixin. "Anigu waxaan ahaa qofkii ugu dambeeyay ee mara jidkaas intuusan xirmin, laakiin saaxiibkey oo soo maray waddadaas hadda wuxuu ii sheegay in isaga iyo gawaari kaleba ay soo mareen Yurkut iyo Bardaale, aniguna hadda gaarigu waa uu ii raran yahay, inaan waddadaas maro ayaana rabaa." ayuu yiri wadahaas oo kaxeeya gaadiidka nooca Mini-Bus-ka loo yaqaan.

Magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo illaa iyo Beled-Xaawo, waxaa dhooban gaadiid aad u fara badan oo qaarkood ka werwersan isticmaalidda waddada macmilka ah ee ay gawaaridu isticmaaleysay muddadii uu xirnaa jidkan hadda la tilmaamayo inay maraan  wadayaasha gaadiidka qaar, iyagoon wax damaanad ah ka haysan xogagda dagaaldada kawada gobollada Bay iyo Bakool, waxayna hubinayaan ammaanka waddada dib u mariddeedu ay billaabatay.

Dullaal ka mid ah kuwa rara gawaarida xambaarta rakaabka ayaa Ergo u sheegay in haddii ay dhabowdo oo ay noqoto mid sax ah oo leysku halleyn karo waddada isku xirta magaalooyinka Baydhabo iyo Luuq ay noqoneyso culeys ka degay dadweynahay iyo gaadiidleyda intaba, laakiin haddana waxaa hubin u baahan buu yiri ogaanshiyaha waxa ay ka qabaan iney rayidku isticmaalaan waddadaas. "Annagu haddaan nahay shacab markasta waan ud hib qabnay waddadaas xirneed, haddii ay dib u furanto waxaa rakhiisi doona qiimaha gaadiidka lagu raaco, waqtiga safarka lagu jirana wuu  yaraan doonaa." ayuu yiri dullaalkaasi.

Wixii ka dambeeyay markii ay gobolka Gedo ka billowdeen dagaallada bartamaha sanadkii tegay ayay xirmeen waddooyin fara badan oo qaarkood si gaar ah muhiim ugu ah isu socodka magaalooyinka iyo miyiga gobolka Gedo, iyadoo uu jidka weyn ee isku xira gobollada Bay iyo Gedo uu noqday kan ugu saameynta badan, waxaana xilligaas wixii ka dambeeyay ay gaadiidku marayeen marin uu wareegiisu dheer yahay, kaasoo isku xira Luuq iyo tuulooyinka Karaban, Xirmo Libaax, Warcaddeey, Buur-Dhuxulle, illaa laga soo gaaro degmada Waajid iyo deegaanka Goof gaduud, halkaasoo gaadiid fara badan ay ku dheelliyeen.

Nuur Cali Faarax/MG/FM

 

Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Faallo

Magac
Emayl
Faallo

Qodobbo dheeri ah

HOY
WARARKA
BARNAAMIJYADA
QODOBBO
MUUQAAL
SAWIRRO
WARAYSIYO
KAYDKA
ANNAGA
NAGALA SOO XIRIIR
BARNAAMIJYADHII HORE