Sida ay sheegeen masuuliyiinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta waxaa 18kii bishan magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti uu tababar uga furmay ilaa 30 garsoore oo laga soo xulay gobolada dalka Soomaaliya.
Xoghayaha guud ee xiriirka kubadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Siciid Carab oo u waramay idaacada Ergo mudda tawbarkan oo socon doona ilaa 22ka bishan oo maalinta axada ah ku began ayaa waxa uu sheegay in garsoorayaasha aqoontooda shuruucda iyo ka faa’iidaysiga sixitaanka qaladaadka ay la kulmaan isla mar ahaantaasna sare loo qaado.
Mudane Cabdiqani Saciid Carab ayaa sheegay in tababarkan uu tahay kii labaad ee ay FIFA siiso macaliimtan Soomaalida ah, iyadoo kii hore sidan oo kale loogu qabtay garsoorayaasha Soomaalida ah dalka Jabuuti.
Cabdiqani oo aan wax ka waydiinay sida ay u saamaysay xiriirka kubadda cagta geeridii ku timid hoggaankii xiriirka Siciid Mugaambe iyo madaxweynihii guddiga Olampikada Soomaaliya Aadan Xaajo Yabarow Wiish ayaa waxa uu tilmaamay in ay aad uga naxeen geeridaasi deg dega ahayd balse loo baahanyahay in horey loo sii wado howlaha ay soo ambaqaadeen madaxdaas geeriyootay si buu yiri magaca Soomaaliya meel sare loo gaarsiiyo.
Maxamed Gaarane