Muqdisho 20 Apr, 2012
Ka ganacsiga khaadka iyo isticmaalkiisa ayaa magaalada Muqdisho mudooyinkaan dambe waxaa uu u muuqdaa mid soo xoogeysanaya taasoo ay ugu wacantahay magaalada oo ay ku soo jabeen ganacsato jaadka ku iibin jirtay gobollada dalka iyo kuwa cuna khaadka ,kuwaasoo dhammaantood ay saamayn ku yeesheen mamnuuciddii ay maamulada ka jira gobolada qaar ee koonfurta dalka ka mamnuuceen cunista iyo ka ganacsiga khaadka goobaha ay maamulaan.
Fartuun Cabduwahaab waxa ay ka mid tahay haweenka jaadka ku iibin jiray qeyba ka mid ah gobollada dalka gaar ahaan agagaarka degmada Afgooye,waxa ay idaacadda Ergo u sheegtay in ay isaga soo tagtay halkaasi maadaama sida ay tiri laga mamnuucay ka ganacsigii khaadka oo ay sheegatay in noloshooda ay ku tiirsanayd. Fartuun ayaa sheegatay in hadda ay dib u billowday ganacsigii jaadka goob kamid ah magaalada Muqdisho.
“Markii aan joogay gobolka Bakool jaadka waxaan ku cuni jiray si dhuumaalaysi ah maxaa yeelay maamulkla gobolku ma oggoleyn cunistiisa iyo ka ganacsigiisa, laakiin hadda markaan imid magaalada Muqdisho waxaan khaadka u cunaa si caadi ah” ,sidaana waxaa sheegay Isaaq Dheere oo kamid ah dadka aadka u isticmaala cunista qaadka oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho.
Jaadka ayaa ah mid dhibaatooyin badan ku haya nolosha bulshada Soomaaliyeed in kastoo ay jiraan qoysas ay ku xiran tahay noloshooda,C/raxmaan Daqare waxaa uu kamid yahay dadka ku nool magaalada Muqdisho waxaa uu qabaa fakar ahaan in mamnuucidda jaadku ay tahay mid caqabad ku ah nolosha qaar kamid ah qoysaska Soomaaliyeed,isagoona sheegay in jaadku aanu lahayn wax dhibaata ah.
Fikir kaas ka duwan waxaa qaba Pro Maxamed Aamin “Aniga waxaan qabaa in khaadka laga mamnuuco ganacsigiisa iyo cunistiisaba dhammaan Soomaaliya oo dhan ,waana ay ku saxsan yihiin xarakada mujaahidiinta Alshabaab tallaabadaasi ay qaadeen waana uga mahadcelinayaa” sidaana waxaa Ergo u sheegay Maxamad Amiin oo kamid ah aqoon yahannada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Maxamad Amiin ayaa sidoo kale sheegay in jaadku uu yahay luggooyo iyo musiibo haysata shacabka Soomaaliyeed sidaas darteedna aan looga baahnayn waddan sidaan u burbursan.
Waxaan ka codsanayaa DKMG Soomaaliya in jaadka ay u samayso meel ka baxsan magaalada si halkaasi loogu iibiyo,waxaad arkaysaa goobihii ganacsiga, waddooyinki magaalada oo lagu iibiniyo khaad, dadkii oo meel waliba ku cunaya,waxaasina ma ahan dhaqan wanaagsan, sidaana waxaa Ergo u sheegay Maxamad Axmad Jaamac, oo kamid ah dadka ku nool magaalada Muqdisho, Maxamad ayaa ugu dambayntii sheegay in goobaha lagu iibiyo jaadka ama lagu cunaba inta badan ay ka dhashaan ammaan dari ,iyo rabshado.
Sikastaba ha ahaatee Al shabaab ayaa ka mamnuucday ka ganacsiga iyo cunistiisa jaadka goobaha ay ka arrimiyaan , taasoo keentay in dad ka ganacsada iyo kuwa cunaba ay soo galaan magaalada Muqdisho.
Yusuf Axmed Abuukar/CC/MG