Aar goosi salka ku haya aanooyin qabaa`il oo ka dhacay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa dhaliyay dhimashada illaa afar ruux iyo dhaawaca illaa siddeed kale.
Kooxo maleeshiyaad hubaysan ayaa ka qeyb galay iska hor imaadyada kuwaasoo qaarkood ay ka soo gurmadeen dhulka miyiga ah si ay uga qeyb qaataan isku dhacyada, dadka dhaawacyada ay soo gaareen ayaa lagu soo warramayaa inay ku jiraan laba haween ah kuwaasoo shaah ku iibinayay bartamaha magaalada Matabaan .
Isku dhacyadaan ayaa la sheegay inay saamayn xooggan durbadiiba ku yeesheen ganacsiga iyo dhaq dhaqaaqa dadka rayidka ah ee ku nool magaalada, waxaana la xiray badi goobihii ganacsiga ee ku yaallay magaalada, waxaa istaagay oo hakad galay socodkii dadka cabsi xoog
badan ayaa soo foodsaartay dadweynaha ku dhaqan magaalada taasoo keentay in qof waliba uu ku negaado gurigiisa.
Ciidamo ka socda Ahlu sunna waljamaaca ayaa la sheegay in la kala dhex dhigay dhinacyada iska horimaadku uu u dhexeeyo, iyadoo ammaanka magaalada ay haatan sugayaan ciidamadaasi.
Dhinaca kale odayaal iyo waxgarad ka kala yimid deegaanno ay ka mid yihiin Guriceel iyo Dhuusamareeb ayaa soo gaaray gudaha degmada si ay u xalliyaan isku dhacyadaasi u dhexeeya maleeshiyo beeleedyadaasi ku dagaallamaya Matabaan, waxaana waxgaradku ay rajo ka muujiyeen xal u helidda shaqaaqadaan u dhexeysa maleeshiyooyinkaasi ka soo jeeda beelaha
dagaallamay.
Xaaladda degmada ayaa haatan u muuqata mid deggan, inkastoo aanay jirin heshiis buuxa oo la kala dhex dhigay beelaha iska hor imaadyadu ku dhexmareen degmada Matabaan.
Cabdifitaax Xasan Faarax/CC/MG/FM