Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

Barakacayaal ka cabanaya inay roobabka waxyeelo u gaysteen

Haweenay iyo qoyskeeda oo dhex socda goob ay biyaha roobabka daad dhigeen (Cabdulqadir Cabdulle/Radio Ergo)

Muqdisho 17 Apr, 2012

Roobabkii saacadihii ugu dambeeyay ka da,ay gudaha magaalada Muqdisho ayaa sababay dhimashada ilma yar oo lix bilood jir ah kaam ku yaala agagaarka warta Siigaale ee degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, ilmahaan yar ayaa la sheegay in ay qaadeen biyaha roobka dabadedna uu ku dhacay gunta hoose ee warta halkaasoo uu ku haftay biyihii dabadeedna uu ku geeriyooday.


“Waxaa na qaaday biyihii roobka dhammaan agabkii aan wax ku cunaynay iyo catiirkii aan nku seexanaynayba waxaa qaaday biyaha roobka oo ahaa kuwa aad u xoogan” sidaana waxaa idaacadda Ergo u sheegtay  Faaduma Ceymooy oo ka mid ah qoysaska ku nool kaamka warta Siigaale ee degm,ada Hodon, Faaduma ayaa sidoo kale sheegtay in ay taaganyihiin bannaanka isla mar ahaantaana aanay heysanin wax hooy ah aqaladii ay dhesteena uu ka qaaday roobka.


“Waxaan ka soo barakacay markeygii hore gobolka Baay halkaana waxaan imid mar dhaw, waana u jeedaan halka aan taagannahay aniga iyo caruurtayda ,ma qabno dhar aan ka dugsano dhaxanta iyo qabowga daran ee uu wato roobka ,waxaan codsanaynaa in kaalmo degdeg ah  sida baco, iyo dharba naloo keeno” sidaana waxaa Ergo u sheegay Aadan Kuusoow oo ka mid ah barakacayaal saamayn xoogan uu ku yeeshay roobabka  ka da,aya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


Roobabkaan ayaa saamayn ku yeeshay dadka xanuunsan,caruurta iyo dadka waayeelka ah Cabdi Xasan waxaa uu kamid  yahay barakacayaasha ku nool degmada Hodo nee magaalada Muqdisho waxaa uu idaacadda Ergo u sheegay in uu hayo hooyadii iyo abootadii oo labaduba ah waayeelo,waxaana uu yiri,waxaa uu roobku qaaday hooyaday,neftii ayaa ku dhagtay xaaladdedu waxay noqotay mid halis ah , nasiib wanaag biyihii oo sii wata ayay gacanta la heshay geed weyn sidaas ayayna ku bad baadday.


Qoysaska barakacayaasha ayaan iyagu badidood  lahayn hooy adag oo ay kaga dhuuntaan dhaxanta,kulaylka ,iyo roobabka,waxaana guryaha ay ku jiraan ay u badan yihiin gurya ka samaysan maryaha duugoobay, jawaano,  baakado iyo baco dildilaacay.


Si kastaba ha ahaatee  Roobabkaan ayaa qayb ka ah roobabkii xilliga Gu,ga oo ka curtay qeyba badan oo ka mid ah Soomaaliya waxaana ka mid ah gobollada uu ka curtay Shabeelaha hoose,Baay, Banaadir  iyo meelo kale .

Cabdulqaadir Cabdulle/AA/MG


Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Faallo

Magac
Emayl
Faallo
Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS