Boosaaso 17 Apr, 2012
Waxaa wali laga dareemayaa magaalada Boossaaso ee xarunta gobolka Bari qul qulka dadka Soomaalida ee qaxootiga ku ahaa waddanka Yemen ee ku soo laabanaya gudaha waddanka Soomaaliya, kuwaasoo kasoo cararaya dhibaatooyin dhanka nolosha iyo ammaanka oo kala soo gudboonaatay dalkaasi, tan iyo markii ay ka billoowdeen rabshadihii dhiigga badan uu ku daatay .
Maxamuud Sheekh Ciid, waa agaasimaha hay`ad dawli ah oo hoos tagta Puntland taasoo ka shaqeysa u doodidda muhaajiriinta isku dhafka ah oo la yiraahdo MRC, wuxuu sheegay in dadkaan Soomaalida ee ka soo cararaya waddanka Yemen ay ku kalliftey ka dib markii ay la kulmeen cadaadis xooggan..
"Waxaa dib u soo noqonaya dadkii Soomaaliya ka haajirey ee ku noolaa dalka Yemen, illaa hadda waxaan diiwaan gelinney dad dhan 1933 qof, muddo sanad gudaheed ah, dadkan dhammaantood waxay ka soo cararayaan dhibaatooyin ka soo wajahay dalkaasi Yemen." sidaa waxaa yiri Maxamuud Sheekh.
Qaxootigan Soomaaliyeed ee soo laabtay, ayaa waxay ka kooban yihiin oo ay isugu jiraan dumar, carruur, waayeel iyo dhalinyaro. Qaar ka mid ah dadkan oo la socday laba doonyood oo la kala yiraahdo Looshaar iyo Shamis 2, oo Raadiyaha Ergo ugu warramayay gudaha dekedda magaalada Boosaaso ayaa waxaay ka warbixiyeen dhibaatada kasoo kaxeysay dalkaasi Yemen oo ay qaarkood in muddo ahba ku noolaayeen.
"Waxaan markeygii hore ka imid magaalada caasimadda ah ee Muqdisho gaar ahaan waxaan ka soo ambabaxay xaafadda Shiirkolo, dagaallo iyo colaad ayaan ka so cararay, waxaan aaday Yemen halkaasoo ay igu qabsatay dhibaato nololeed oo aad u daran, waxaan ku noolaa tuugsi, ma jirin dhaqaale kale oo na soo gali jiray ,waxaa ila socday qaar ka mid ah carruurteyda." sidaa waxaa tiri Iisho Aadan Mukhtaar.
Haweeney kale oo iyana lagu magacaabo Buulo C/laahi Amiin, oo qaxootigaasi ka mid ah ayaa sheegtay in waddanka Yemen ay joogtay illaa 8 sanadood, oo muddadii ay joogtay ay kala kulantay dhibaatooyin kala duwan "Waxaan dhaqi jiray baabuurta waxaana ku dhaqi jiray meel la yiraahdo Cadan weyn, adiga oo waxba qaadan waxna ka warqabin ayaa lagu leeyahay waxbaad xadday waxaan ku nooleyn raashiinka la soo reebay, runtii muddadii aan joogay halkaasi rafaad iyo silic ayaan ku noolaa." Ayay tiri Buulo.
Waddanka Yemen, waxaa ku nool Soomaali fara badan oo ka cararay colaadaha dabada dheeraaday ee ka soconaya dalkooda, haddana inkastoo ay qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi ay ku haysteen duruufo kala duwan, waxay heysteen ammaan hase yeeshee kadib markii ay sii xoogeysteen dagaallada iyo rabshadaha hubeysan ee ka soconaya waddankaasi, waxaa Soomaalida la soo soo dersay amni darro keentay inay ka soo cararaan dibna ugu soo laabtaan dalkooda.
Dhinaca kale, waxaa ku jira xabsiyo ku yaalla gudaha dalkaasi Yemen dhalinyaro Soomaaliyeed kuwaasoo lo heysto fal dambiyeedyo la sheegay inay geysteen. sidaasoo ay tahay waxaa wali sii soconaya dad u tahriibaya dalkaasi.
Axmed Nuur Soomaali/AA/FM