Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

Roobab khasaare geystay oo ka da'ay Muqdisho

Muqdisho 16 Apr, 2012

Roobabku, marka ay da`aan waxay wataan daadad buuxiya waddooyinka ,carruurtu aad ayay u jecel yihiin inay ku dabaashaan biyaha roobka, laakiin waxyeello badan ayay kala kulmaan.

Dhibaatooyinka ay carruurtu kala kulmaan ku dabaalashada biyaha roobka ayaa waxaa ka mid ah, in biyaha oo aan nadiif ahayn darteed ay ka qaadaan caafimaad darro, iyo sidoo kale inay ku qaraqmaan oo ay ku dhintaan.

Magaalada Muqdisho, oo shalay illaa maanta ay ka da`ayeen roobab xoog leh, ayaa daadadka roobabku waxay buux dhaafiyeen waddooyinka dhex mara xaafadaha, goobaha barakacayaasha ay ku nool yihiin ayaana ah meelaha ugu daran ee ay roobabku saameyn ku yeesheen.

Carruurta uu qaaday daadka roobka, ayaa waxay ku sugnaayeen xerada barakacayaasha Siigaale ee degmada Hodan, halkaasoo ay ku taallay bohol weyn  oo ay biyaha roobka isugu yimaadaan.

Qaar ka mid ah qoysaska ay waxyeellada ka soo gaartay daadka uu wato roobka, oo ku sugnaa xeradaasi oo  iyaga iyo carruurtooda dhibicda roobka ay korkooda  ku da`aysay,  ayaa sheegay inay u baahan yihiin in la la soo gaaro  gargaar deg deg ah.

Qoysaskan ayaa waxaa ka mid ah dad waayeel ah, iyo carruur aan u adkeynsan karin qabowga roobka, mana heystaan meel ay kaga gabbadaan.

Inkastoo roobabka ka da`ay magaalada Muqdisho aad loogu xiiso qabay, haddana dadka ku jira xeryaha barakacayaasha ah kuma farxaan, sababtoo ah waxay ku nool yihiin guryo ka sameysan cooshado uu si fudud roobku uga duso.

Sacdiya Maxamed Nuur/FM

Daariq cali macow"vidic"
April 17, 2012, 1:18 am
 
Isbitaalka hooyada iyo dhalanka banadir waxa uu ka mid yahay isbitalada ku yaalo Muqdisho waxan ku jiro caruur fara badan oo la ildaran cudurka shuban biyoodka iyo nafaqo dari bahsan,caruurtan ku dhibataysan isbitaalka banadir ayaa badankooda waxa haysta cudurka shuban biyodka
 

Magac

Emayl

Faallo

Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS