Boosaaso 16 Apr, 2012
Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari, maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa xukun 12-sano ah ku ridday eedeysane loo heysto faldambiyeedka dhoofinta iyo ka ganacsiga carruurta.
Eedeysanahan oo lagu magacaabo Ibraahim Cumar Liibaan, ayaa sagaal carruur ah oo 8 ay yihiin gabdho, midna uu yahay wiil da`dooduna ay u dhaxeyso 7-jir illaa 14-jir ka soo kaxeeyey koonfurta Soomaaliya, isagoo u waday dalka Yemen.
Guddoomiyaha maxakamadda darajada koowaad ee gobolka, Sheekh Aadan Aw-Axmed ayaa ridey xukunka maxakamadda.
“Maxkamaddu, markey aragtey dadkan uu waday Ibraahim in ay yihiin dad aad iyo aad u tabar daran oo carruur ah, caqligooda iyo maskaxdooduna aysan ku filneyn meelna aysan mari karin, kana maarmi karin ehelladooda iyo qoysaskooda iyo cdidii ka fikireysay nabad gelyadooda iyo noolashooda, sidaa darteed maxkamaddu waxay ku xukuntay Ibraahim Cumar Liibaan 12-sano oo xarig ah.” Ayuu yiri xeer ilaaliyuhu.
Eedeysanahan la xukumay, ayaa dhankiisa sheegay in uusan lahayn wax dambi ah. Xukunka maxkamadda ka dib, Raadiyo Ergo ayaa waxaa u suurto gashay inuu wareysto carruurtan ay maxkamaddu sheegtay in la soo xaday, waana kuwaan.
“Magaceygu waa Owliyo, waxaan ka imid Buula-mareer, waxaa iga soo kaxeeyay ninkan oo abtigey ah, ima uusan soo xadin, aabbahey ayaa igu soo darey, wuxuuna ku yiri gabadha Yemen ii geey, ka dibna waxaa u imaanaya waalidkeed oo Sacuudiga u wadaya, sidaa ayuu igu soo kaxeeyay.”
“Magaceygu waa Rafiico, waxaan ka imid Ceel Caddoow ,waxaa iga soo wadey ninkan oo abtigey ah waxaana igu soo darey hooyadey iyo adeerkey, wuxuuna ii wadey Sacuudiga, ayeeyadey ayaa jirta.”
Asad Cisman Cabdi, waa madaxa arrimaha carruurta ee hay`adda Tadaamun, wuxuu sheegay in carruurtan 9-ka ah lasoo xaday, lana doonayay in looga faa`iideysto qaabka ka ganacsiga dadka iyaga oo lagala baxayo xubnaha muhiimka ah ee jirdooda ama laga ganacsanayo.
Haya`adda Taadamun, ayaa maxkamadda kala wareegtay kafaalo qaadidda nolosha carruurtan, sida uu Asad sheegay.
Ma ahan markii ugu horreysay oo ay xukun noocan ah ku riddo maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari, dad loo heysto xatooyo carruur.
Axmed Nuur Soomaali/FM