MASIIBOOYINKA

Saadaasha laga bixiyey roobka gu’ga oo ka yar intii la filayey ayaa dhibato ku noqon kara hanaanka soo kabashada Soomaaliya

Saadaasha xilliga gu'ga laga bixiyey ayaa tilmamayso in roobabku ka yaraan karaan intii la filayey tanoo keeni karta abaaraha oo sii dheeraada (Sawir: Maxamed Garane/Radio Ergo)
Nairobi 13/04/2012

Roobabka xilliga gu’ga la sugayo oo saadaasha laga bixiyey ay sheegayso inay hooseeyaan ayaa dhibato ku ah hanaanka soo kabashada ee macaluushii jirtay ilaa sanadkii dhamaaday, iyadoo taninna keenayso sii socoshada dhibaatada cunto yari ee ka taagan wadanka Soomaaliya, siday qoraal wadajir ah ku soo saaraeen 17 hay’adood oo dhinaca gargaarka ka shaqeeya, ayaa  sidoo kale lagu qeexay in dadka u bahan gargaarka dhinaca cuntada ay sii kordhi karaan, waxayna hay’adahaani ugu baaqeen bulshada caalamka inay sii wadaan  gargaarka la siinayo Soomaaliya lana dedejiyo codsigii qaramadda midoobay ee gargaarka bani’aadanimo ee Soomaaliya sanadka 2012.

Hadaba marka loo eego siday warbixin ku soo saartay hay’adda ka sii digista macaluusha ee FEWSNET roobabka la filayo inay ka da’aan Bariga iyo Geeska Afrika ayaa noqonaya kuwo soo daaha kana yar intii caadiyan gobolku heli jiray, tanoo ah calamado cad oo xaalada uga sii daraya marka la eego saadaalihii hore, waxayna saamayn ku yeelanayaan wax soo saarkii beeraha, daaqa iyo helitaanka ilaha biyaha laga cabo, tanoo ah dibu dhac kale oo soo wajahay wax soo saarkii gobolka ee dhinaca cuntada lana mid noqonaysa tii dhacday sanadkii ina dhaafay.

Waxaana hadaba jira dadka ka hayamaya Somaliland, Puntland iyo Koonfurta ee xooluhu ku dhaafeen abaarta, sidoo kale bulshooyinka oo waynaya hanaanka farsamada taakulaynaysa noloshooda abaarta darteed, iyadoo welina ay korayso heerka nafaqo dari iyo dhimashada ee ka jirta wadanka gaar ahaan koonfurta Soomaaliya siday tilmaamayso warbixintii ugu danbaysay ee ay soo saarto xafiiska isku dubaridka arrimaha bani’aadanimo Qaramada Midoobay ee OCHA.

Waxayna hay’adahaani sheegaan in hadii la rabo in la joogteeyo hanaanka soo kabashada ee Soomaaliya bulshada caalamka looga bahan yahay in la joogteeya gargaarka lagu bixinayo dhinacyada badbaadinta nolosha, soo kabashada, dadkana loo dhiso adeegyada nolosha aasaasiga ah, iyagoona hay’adahani tusaale u soo qaatay in bulshada calamku qaylo dhaantii sanadkii dhoweyd ee dhinaca abaarta iska dhega martay jawaabtay bixiyaana noqotay mid soo daahday.

Waxaana nuxurka qoraalkaani ay haddaha wada jiraa soo saareen ku sheegaan in aan Soomaaliya la ilaawin, iyadoo ay jirto qaylo dhaan kale oo ka imanayso gobolka Saaxil ee galbeedka Afrika oo ay ku habsatay abaar ba’ani.
Hay’adaha qoraalkaan soo saaray ayaa waxay kala yihiin.

ACTED Norwegian Refugee Council (NRC)
Adeso – African Development Solutions Oxfam
Adventist Development and Relief Agency PartnerAid
(ADRA Somalia)
Première Urgence – Aide Médicale
CARE Internationale (PU-AMI)
CESVI Relief International
Christian Aid Trocaire
CISP Vétérinaires Sans Frontières Germany
KISIMA Peace and Development World Vision International
Organisation
Mercy Corps

 

Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Faallo

Magac
Emayl
Faallo

Qodobbo dheeri ah

HOY
WARARKA
BARNAAMIJYADA
QODOBBO
MUUQAAL
SAWIRRO
WARAYSIYO
KAYDKA
ANNAGA
NAGALA SOO XIRIIR
BARNAAMIJYADHII HORE