Ceelbuur 11 Apr, 2012
Kaddib markii xiisado colaadeed ay hareeyeen degmada Ceel buur ee ka tirsan gobolka Gal gaduud iyo degaano ku xeeran dabayaaqadii bishii maarso ee sanadkaan ayaa waxaa billowday brakac xoog leh oo ay sameeyeen dadka ku nool degaandaasi iyagoo ka cabsi qaba in ay saameeyaan colaadaha ka oogan degaanadooda,badi dadkii ku noolaa degmada ayaa isaga cararay guryahooda iyagoo miciin biday in ay ku noolaadaan tuulooyin hoostaga degmada halkaasoo markii ay gaareen ay noloshu ku adkaatay.
“Waxaan ku noolahay halka lagu magacaabo ceel shinni oo ka tirsan tuulooyinka hoostaga degmada Ceel buur halkaasoo aan gaarnay aniga iyo qoyskeena kaddib kolkii aan ka soo cararnay xiisadaha colaadeed ee ka jira halki aan ku nooleyn ee Ceel buur”sidaana waxaa idaacadda Ergo u sheegtay haweeney kamid ah dadki ka barakacay dagaalada degmada Ceel buur,haweeneydaa ayaa intaasi ku dartay in xilligaan ay soo food saareen dhibaatooyin dhanka bini,aadaminimada ah,ma haysano hoy aan ka galno kuleylka maaddaama laguda galay xilligi kulaylaha ayay tiri haweeneydaasi .
“Waxaa jirta caruur gaaraysa illa lix caruur ah kuwaasoo degaanka ugu geeriyooday cudurka shuban biyoodka halka kuwa kale oo badana ay la ildaranyihiin, waxaan ka codsanaynaa hay,adaha samafalku in ay nasoo gaarsiiyaan gurmad” ayay hadalkeeda ku soo koobtay haweeneydaasi oo qayb ka ahayd qoysas dhawaan isaga barakacay degmada Ceel buur ee gobolka Gal gaduud.
Xildhibaan C/qaadir C/llaahi Diiriye Caddaawe oo kamid ah xildhibaanada DKMG Soomaaliya ayaa isaguna ka hadlay xaaladda haysata dadki ka baracay degmada Ceel buur isagoona sheegay in ay ku nool yihiin xaalad adag.
In ka badan muddo afar sana ah dadka reer Ceel buur ma aanay helin wax samafal ah waa dad la iska illaaway sidaas darteed waxaan ka codsanaynaa hay,adaha samafalada iyo DKMG soomaaliyaba in ay gurmad deg deg ah la ghaaraan shacabkaasi ayuu yiri xildhibaanku,isagoona sheegay in isaga iyo mas,uuliyiin kale oo ka tirsan DKMG soomaaliya ay qorsheynayaan in ay kormeer ku soo sameeyaan degmada si ay u soo indha indheeyaan xaaladaha ay ku nool yihiin qoysaskii ka barakacay degmada Ceel buur.
Degmada Ceel buur ayaa waxaa maamulayay maamulka xarakada mujaahidiinta Alshabaab in ka badan afar sanadood iyadoo aanay jirin wax hay,ado samafal ah oo ka hawl galay deegmadaasi.
Cabdifitaax Xasan/MG