Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

Heshiis laga gaaray colaadii Mandheera

Irida laga galo xuduudka u dhexeeya labada magaalo ee Beledxaawo iyo Mandheera (Sawir/Mohamed Garane/Radio Ergo)

Beled-Xaawo 09 Apr, 2012Maamulka degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo oo qeyb ka ahaa waan waan laga dhex waday dad ay colaadi dhawaan ku dhex martay magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Barri Kenya oo ay ood wadaag yihiin ayaa usheegay Ergo in lasoo gaba-gabeeyay wixii xurguf ahaa ee ka dhex dhacay beelahii ku diriray halkaas.

Gudoomiyaha degmada Beled-Xaawo Nuur Sayax oo lahadlay Ergo ayaa sheegay iney labadii reer ee dagaalantay ay hada gacmaha isweedaarsadeen, kana hishiiyeen wixii dhib ahaa ee soo kala dhexgay. Gudoomiyhu waxa uu sheegay iney taasi suura gelisay in dib guryahoodii ay ugu noqdaan boqolaal qoys oo ka carary hoygoodii magaalada Mandheera.

"Dadka ay dhibaatadu kala gaartay waa Kenyan, weyna hishiiyeen oo gacmaha ayay isqaadeen, waxayna taasi keentay iney dib guryahoodii ugu noqdaan dadkii kasoo qaxay Mandheera ee soo galay Beled Xaawo markii ay Colaadu taagneed, hadana wax dhib ah ma taagna" ayuu yiri Nuur Sayax, gudoomiyaha Degmada Beled-Xaawo.

Intaasi waxa uu raaciyay gudoomiyuhu iney dowlada Kenya, gaar ahaan maamulka degmada Mandheera uu gacanta ku hayo qorshoyin lagu doonayo in lagu mago dadkii hantidooda la boobay intii ay xiisadu ka oogneed Mandheera dabayaayadii bishii idlaatay, kuwaasi oo lasoo qiimeeyay, qiyaas ahaan lacagta ay ku fadhiso hantidii la boobay.

"Anagoo kala ah maamulada Mandheera iyo Beled-Xaawo ayaa horay uqiimeynay inta ay la'egtahay hantidii la dhacay, dowladda Kenya ayaana udiyaara iney arintaasi wax ka qabato, maxaayeelay dadka la boobay waa Kenyan, waana lamag-dhabayaa iinsha-Allaah" ayuu raaciyay hadalkiisa gudoomiyaha Beled-Xaaw, muadane Nuur Sayax.

Sidoo kale Nuur waxa uu xusay i dib loo furay xuduuda ay wadaagaan labada magaalo ee ood wadaaga ah ee Beled-Xaawo iyo Mandheera, haatana uu si caadiya dib ugu soo noqday isu-socodkii dadka iyo ganacsiga ka dhexeeya labada bulsho ee walaalaha ah, waxa uuna Nuur tilmaamay iney rajeynayaan iney nabad iyo isu uur furnaan ku wada noolaadaan dhamaan bulshada reer Mandheera. "Xuduudu wey furan tahay oo inagoo labada maamul ah ayaynu dib-ufurnay, dadkuna wey isu-gudbayaan si caadiya' ayuu kus oo gaba-gabeeyay hadalkiisii Nuur Sayax, gudoomiyaha  magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Bilihii aynu soo dhaafnay ayay ahayd markii ay magaalada Mandheera ka dheceen dilal loo geystay dad isugu jiray rayid iyo askar ka tiran ciidamad amaanka, taasoo keentay iney dhacdooyinku isu rogeen dagaal beeleed ay dad kale naftoodii kuwaayeen, qaarna hantidoodii lagu boobay oo ay halkaasi ku ceertoobeen. Labada maamul ee Beled-Xaawo iyo Mandheera iyo waxgarat ka kala socday iyana sidoo kale labada dhinac ayaana u istaagay xalinta xiisada kacday, taasoo hada umuuqata in lagu guuleystay qaboojinteeda.

Nuur Cali Faarax

Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Faallo

Magac
Emayl
Faallo
Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS