Nairobi 05 Apr, 2012 Doonni kuwa tahriibka ah, oo ay la socdeen 60 muhaajiriin Soomaali ah, oo 1dii bishan April ka shiraacatay xeebaha Libya, ayaa dib loogu soo celiyay Tripoli, iyadoo ay 7 ka mid ahaa tahriibayaashiina ay badda ku soo dhinteen.
Doonnidan oo ay cilladi ku qabsatay gudaha badda, ayay Soomaalidii la socotay kala ahaayeen: 17 dumar ah, laba caruur ah, inta kalena rag.
Dadkan ayaa markab Talyaani ahaa oo badbaadiyay, dib ugu soo celiyay Libya, una gacan-geliyay ciidamada, ka-dib markii ay laba habeen ku jireen Badda.tahriibayaashan ayaa u sheegay Madaxda Safaaradda Soomaalida ee Libya: in markii ay cillad ku timid doonta, ay u qayla-dhaansadeen Markab u dhowaa, kaas oo doonta iyo dadkii saarnaaba dib ugu soo celiyay Libya. muhaajiriintaas soo badbaaday ayaa sheegay: in markii ay u wareegayeen Markabka ay 7 ka mid ahaa oo ay 6 dumar ahaayeen, ku hafteen badda..
Magacyada Marxuumiinta ku halligmay dhacdadan ayaa lagu sheegay,sidan:-
1. Firdawsa Xasan Barre.......ka timid Muqdisho.
2. Kidiso Jiinow Axmed lama sheegin goobtay ka timdi
3. Shamso Maxamed Caddaawe " "
4. Yaasimiin Muxyaddiin Xasan " "
5. Saamiya Yuusuf Cumar " "
6. Ifraax Cabdi Karbuuno " (Oo Uur lahayd)
7. Ciise Tuuryare Caddaawe "
Markii Muhaajiriintan dib loogu soo celiyay Libya, ayay madaxda safaaradda Soomaalidu ka codsatay ciidamaddii hayay, inay ku soo wareejiyaan Safaaradda, taas oo ay ugu horrayntii ka oggolaadeen.
Ha-yeeshee, markii loo soo daabbulay Safaaradda, ayaa waxaa ka daba yimid ciidan ka socday arrimaha gudaha, siiba laanta socdaalka iyo ciidamada amniga, oo lagu soo amray: in ay Muhaajiriintaas u wareejiyaan Xabsiga weyn ee 'Garyaan'. kaas oo ay horana ugu jireen tiro ka badan 300 oo Muhaajiriin ah.
War ka soo baxay Safaaradda Soomaalida ee Tripoli:
Maalintii shalay oo ahayd Talaado 03/04/2012, waxaa ku shiray Tripoli-Libya: Wasiiradda A.Gudaha ee Talyaaniga iyo W.A.Gudaha ee Dawladda Libya. War-murtiyeedkii ka soo baxay shirkooda, wuxuu si cad u sheegayaa: in ay si walba u joojiyaan Tahriibka Badda; dawladda Talyaaniguna, ay ku ballan-qaadday in ay ka kaalmayso Dawladda Libya wax kasta oo ay ku hor-istaagi karto, kuna joojin karto Arrinta tahriibka.
Taas oo uu macnaheedu yahay: dawladda Libya iyo dawladaha reer Yurub oo is kaashanaya: inay u soo jeesteen, sidii arrintaas loogu guulaysan lahaa.
Sidaas awgeed: safaaradda Somaalida ee Tripoli, waxay u sheegaysaa dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed, kuwa jooga Libya, kuwa soo socda iyo kuwa ku haminayaba: in dhoofkii badda laga tahriibayay ee Libya ay noqotay arrin aan soconaynin. Waxaana kula talinaynaa dhallintaas: inay ka shaqaystaan Libya ama dib uga noqdaan. Wixii aan labadaas ahayn waa xabsi-doon.
Waalidiinta iyo Asxaabta ku kala nool waddanka Soomaaliya gudihiisa iyo dibaddiisaba, in ay sidaas ula socdaan, lana soo taliyaan dhallintaas.
Xafiiska Warfaafinta ee Safaaradda Soomaalida
Tripoli-Libya